|
Nairobi,17th May 2003,
By Banadir.com
Iyadoo uu iminka galayo shirka nabadeynta Soomaalida marxaladii ugu danbeysay, taas oo ah sidii dalka Soomaalida loogu soo dhisi lahaa mar uun maamul Sal ballaaran oo ay isaga raali yihiin, si markaas adduunweynuhu ugu fidiyo wixii taageera ee la xidhiidha taabagalka dhismaha Dawlad Soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay, ayaa waxaad moodaa inuu weli jiro khilaafkii u dhexeeyay madaxda sare ee TNG-da .
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda KMG ah Yuusuf Xasan Ibraahim (Yusuf Dheeg) oo shalay magaalada Nairobi ugu waramay Yuusuf Xasan oo ka tirsan weriyeyaasha laanta af Soomaaliga ee bbc-da, ayaa mar kale xaqiijiyay jiritaanka khilaafkaa , oo ah mid ku saleysan aragtiyo kala fog ,una dhexeeya Madaxweynaha Dawladda KMG ah Cabdiqassim Salaad Xasan iyo madaxda ergada Dawladda KMG ah uga qaybgaleysa shirka nabadeynata Soomaalida ee ka socda magaala madaxda Kenya ee Nairobi oo kala ah Guddoomiye Cabdalla Deerow Isaaq iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Abshir Faarax, oo markii saddexaad diiday, gaashaankana ku dhuftay codsigii Cabdiqassim ugu yeeray inay la-tashi Xamar ugu yimaadaan .
Inkastoo uu Yuusuf-Dheeg ku carabaabay hadalkiisa si diploomaasinimo ah, inuu weli ka quusan waan-waan heshiisiin ah uu ka dhex wado labada dhinac, taas oo ahayd muhiimadii uu Nairobi u yimid , hadana waxaa iska cad derbiga uu hardiyay, waayo raggii Cabdiqassim hadal ka diiday, in aanu dhego wax maqlo ka heleyn waa wax iska cad, oo aan mugdi ku jirin , cid kastana aanu caad ka saarneyn .
Hadaba iyadoo arrintu sidaa tahay, lana wada ogsoon yahay weji gabaxa uu Cabdiqaasim kala kulmay amar diida labada nin ee hogaaminaya ergada TNG-da, taas oo sii muujisay itaal-darada
Maamulka Dawladda KMG ah oo awalba la liicayay qorsha-xumo iyo wax qabad la'aan guud iyo eedeymo isa soo taraya oo sheegaya wixii hanti ah ee lagu helay magaca shacabka Soomaalida oo uu si gaar ah u leexsaday, ayaa la moodaa inay u baas bixi doonto qorshihiisa la xidhiidha siduu mar kale isugu soo sharaxi lahaa jagada madaxtinimada , taas uu ka raja qabay .
Waxaa kaloo iyana jirta waanwaan uu beryahan danbe Cabdiqassim la waday Hogaamiyaasha ku sugan magaalada madaxda qaarkood, si maamul loogu dhiso Gobolka Banaadir , loona furo Dekedda iyo Garoonka Dayaaradaha, loona adkeeyo nabadgelyada magaalada Muqdisho, taas oo sare u qaadi lahayd haybaddiisa,si uu markaas u maquuniyo labadan nin ee laf dhuungal ku noqday. Nasiib darrese , qorshaha siduu rabay uma hirgalin.
|