|
banadir.com - July 11 2005
Waxaa xalay lagu dilay gurigiisa Magaaladda Muqdisho Alla ha u naxariistee Marxuun Cabdulkadir Yaxye oo ka mid ahaa howlwadeenadda Hay'adda CRD. Dilkaas biniaadanimadda ka fog oo ay gaysteen kooxo dablay oo neceb Nabadda iyo Xasiloonidda ayaa waxaa cambaaryn dusha uga wada tuuray bahwaynta Soomaaliyeed ee Nabadda Jecel oo dhan.
Sidoo kale bahda Banadir.com dhamaan iyo akhristayaasha dhan waxay ka naxeen geeridda Mudane Cabdulkadir Yaxye, waxayna EEBBE uga baryayaan inuu Janadiisa ka waraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka tagayna uu samair iyo iimaan ka siiyo.
Marxuunta oo maanta lagu aasay magaaladda Muqdisho waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin fara badan oo ay ka mid yihiin Gudoomoiyahay Baarlamaanka Federaliga ah Mudane Sharif Axmed, Mudane Cali Mahdi Maxamed, Mudane Maxamed Qanyare oo ah Wasirka Amniga iyo dadwayne fara badan oo ka kala socday Magaaladda Muqdisho.
Anagoo kala ah:
Abukar Mohamud
M.M.Afrah
Ismail Nur Shukow
Yusuf Hassan (Yare)
Drs. Liin Hassan Maxamed
Dr. Hussen Maxamud Maxamed
Dr.Cabdullahi Maxamud (Proffessore)
Dr. Maxamed Cali (Ameriko)
Dr. Cabdullahi Cali (Ameriko)
Dr. Cumar Sharif
Eng. Maxamed Nur (Garabaldi)
Axmed Maxamed (Washington)
Hassan Maxamed Maxamud (yare)
Jamac Hasan Maxamed
Drs. Sahra Hassan Maxamed
Drs. Cabdulkadir Muse (Nuuraaye)
Marwo Caasho Maxamud
Yusuf Maxamed M (Shaqaaq)
Hilowle Abukar (Shiino)
Waxaan EEBBE ugu baryaynaa inuu Marxuun Cabdulkir Yahye Janadii ka waraabiyo, eheladiisiina Samir iyo Immaan ka siiyo - Aamiin
INAA LI LAAHI WA INAA ILAHI LII RAAJUCUUN
Dhammaan Reer Cali Gaadle
oo kala ah:
Enj. Mohamed
Cali Gacal
Mr. Maxamud Cali
Gacal
Mr. Nur Cali
Gacal
Mrs. Faduma Cali
Gacal
Mr. Cadde
Cali Gacal iyo Hooyo Mako
Moxamoud Eybakar ayaan waxaanu
si wadajir ah Tacsi tiiraanyo leh ugu diraynaa Drs
Xawo Ciise Kariish . Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid
Allaha u naxariistee Cabduqaadir Yaxye oo saaka
waaberigii lagu dilay magaalada muqdisho xaafadda Bulo
xuubeey.
Waxaan marxuumka Alle weyne kor ahaayey uga baryaynaa in uu
geeyo Jananada, eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo
iimaan Alaha ka siiyo AAAAAAAAMMMMMMMIIIIIIIIIN
Banadir.com
|