|
Waxaa
mustaqbalka dhow la filayaa inuu dalkeena tago wefdi ka kooban
saraakiil sare oo ka kala socda Wasaaradda Beeraha iyo Kheyraadka
Badda iyo Agaasinka Guud ee kulmiya Dawladaha Hoose ee Imaaraadka
Carabta, si ay u soo baaraan in Xoolaha Soomaaliyeed ay ka
bad-qabaan cudurka xummadda " Rift Valley " iyo in kale ,iyadoo
uu hogaaminayo wefdigaas Engineer Abdalla Juma.
Sida la
ogsoon yahay, tan iyo markii lagu arkay cudurkan meelo ka
mid ah Boqortooyada Sacuudiga iyo dalka Yaman sanadkii tagay,
waxaa xayiraad lagu soo rogay soo dhoofinta hilibka qallan
iyo xoolaha nool ee Soomaaliyeed oo runtii ahaa laf-dhabarka
dhaqaalaha iyo isha uga weyn ee dalka ka soo gasho lacagta
adag, taasna waxay dhaawac weyn u geystay dhaqaalaha xoolaleyda
iyo ganacsataduba, iyadoo ay xayiraadaas Soomaaliya ku wehliyaan
dalal badan oo yaala bartamaha iyo geeska Afrika .
Wefdigaas
oo iminka ka baaraya isla cudurkan " Rift Valley Fever" xoolaha
nool ee dalalka Suudaan iyo Ethiopia, waxaa inay booqdaan
Soomaaliya waqtigan adag ee xasaasiga ah dowr weyn ka geystay
kaalinta xoolaha Soomaaliyeed kaga jireen suuqyada Imaaraadka
iyo Sacuudiga iyo dhadhanka macaan ee looga bartay hilibka
Soomaaliyeed iyo iyadoo shaki laga qabay in xoolaheena bukaanba.Waxaa
kaloo xusid mudan dadaalka ay xaqiijinta arinkan ugu soo galeen
madax ka mid ah Dawladda KMG oo la qaabilay iyo Maamulka Safaaradda
Soomaalida ee Imaaraadka iyo xubno ka mid ah ganacstada Soomaaliyeedba.
Sida laga
warqabo waxay Dawladda Imaaraadka , iyadoo tixgelineysa codsiga
dawladda KMG,dhowaan joojisay dhuxusha laga keeni jiray Soomaaliya.
Waxayna
taas ka danbeysay kadib markii uu Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta
Reer Miyiga kaga qaybgalay shirkii Bey'adda Carabta ee 2001
oo lagu qabtay Abu-Dhabi 4-8da February ee sanadkan .
Inkastoo
ay iminka ina gudubtay fursad qaali ah oo ku aaddanayd munaasabadda
Ciidda Carafo oo dalalka khaliijka guud ahaan iyo gaar ahaan
Boqortooyada Sacuudiga oo xoolo badan loo soo dhoofiyo xajka
awgiis, hadana in xoolaha Soomaaliyeed caafimaadqab loogu
tago oo xayiraadda laga qaado ayaa wax walba ka weyn .
|