|
Xaflad
loo qabtay ciidanka xoogga dalka soomaliyeed
Ciidanka Xoogga dalka
Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldagay xuska 12 april ee ku aadan maanta,
kana dhacay garoonka istadio Muqdisho.
| Xafladan
oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u fara badan oo ka kala socday
Magaaladda Muqdisho iyo nawaxigeeda ayaa waaxa lagu soo bandhigay
dibad bax ciidan oo ay ka qayb galeen saraakiil iyo askar horay uga
tirsaan jiray ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed. |
|
Munaasibadaan lagu maamuusayay xuska Sanadguuradii 45aad ee ka soo wareegtay
markii la aas aasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa markii
ugu horeysay ka qeybgalay mas'uuliyiin ka tirsan xubnaha labada gole ee
DFKMG ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo halkaasi salaan kaga qaatay
cutubyadii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee maanta u dabaaldagayay
sanad guuradii 45 aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay 1960 kii.
 |
Dhoolatuskii
iyo salaantii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ka dib ayaa halkaasi
waxaa ka hadlay generaal Maxmed Nur Galaal oo ka hadlay taariiqda
ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ciidanka ay
yihiin difaacii dalka lagana sugayay in ay tababaraan maleeshiyada
ku sugan magaalada Muqdisho. |
Waxaa kalo ka hadlay
isla munaasabadaas Madax ka tirsan xukuumadda Federaliga ee Jamhuuriyadda
Somaliya iyo xildhibaano ka socday Baarlamaanka Federaliga ee Jamhuuriyadda
oo beryahaynba booqashadda ku maraayay Magaladda Muqdisho. Madaxdaas waxaa
ka mid ahaa Mudane Muuse Suudi, Mudane Cismaan Caato iyo Mudane Maxamed
Qanyare oo dhamaantood wasiiro ka ah Xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisal
Wasaare Professore Cali Maxamed Geedi.
|