Rotating Banner

Web Hosting
Main Page
Latest News
BBC Somali 1800

BBC Somali 1600

Topic of the week
Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room

Djibouti Conference



M.M.Afrah's Books
  

0rder M. M. Afrah's book
THE SOMALI TRAGEDY
THE GANG RAPE OF A NATION. Mr. Afrah is a skillful writer and innovative storyteller. CLICK HERE FOR THE REVIEWS AND HOW TO ORDER THE BOOK.


Search BBC News

 


Previous News

Sep-Oct 2004 News
Aug 2004 News
July 2004 News
June 2004 News
May 2004 News
April 2004 News
Mar. 2004 News
Feb. 2004 News
Jan. 2004 News
Dec. 2003 News
Nov. 2003 News
Oct. 2003 News
Oct. 2003 News
Sep. 2003 News
Aug. 2003 News
July 2003 News
June 2003 News
May 2003 News
April 2003 News
March 2003 News
Feb 2003 News
Jan 2003 News
Dec 2002 News
Nov 2002 News
Oct 2002 News
Sep 2002 News
July 2002 News
May 2002 News
April 2002 News
March 2002 News
Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News


XUSEEN CALI AXMED : HAL BACAAD LAGU LISAY AYUU KA DHIGAN YAHAY MAAMUL HAB QABIIL KU DHISAN !

 

Mogadishu,24th June 2003
Report for Banadir.com by Farah Omar Nur

Muddo saddex sano gudahood oo Dowladda KMG ah jirtay, waxaa magaalada Muqdisho soo maray laba Duq magaalo oo ka ugu dambeeyay, haatana xilka hayaa uu yahay Dr. Xuseen Cali Axmed. Dr. Xuseen oo ah nin Cilmiga Dhaqaalaha bartay ayaa Gobolka Banaadir Guddoomiye horay uga soo noqday ka dib heshiiskii Qaahira oo kooxaha Soomaalida ku gaareen 1998-kii oo ahaa in marka hore la dhiso Gobolka Banaadir kaddibna shirweynaha Soomaalida lagu qabto magaalada Baydhaba.

Dr. Xuseen Cali Axmed oo aan hoygiisa Wareysi kula yeeshay, ayaa waxaan weydiiyay waxa farqi ah ee u dhaxeeya Maamulkii G/Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka ahaa xilligaas iyo Maamulka Duq magaalo Muqdisho oo uu haatan hayo, wuxuuna ku jawaabay :-

Jawaab:Haa, laba xilli oo aad u kala duwan ayay ahaayeen, duruufo kala duwan ay jiraan, dabeecada ay u kala dhisan yihiin ay kala duwan yihiin, kii hore waxa uu ahaa heshiis ay Qaahira ku soo gaareen laba hoggaamiye kooxeed, waxaa ka hor yimid shan hoggaamiye kooxeed oo Muqdisho ku sugan, waxaana xilkaas soo hayay 8-Bilood.

Su'aal: Maxaa idiin qabsoomay xilligaas?

Jawaab:Wax la taaban karo ayaan mudadaas qabanay oo waxaa jirtay 7-sanadood oo maamul la'aan ah, waxayna ahayd markii ugu horeysay ee Maamul la sameeyo, maamulkaas wuxuu xooga saaray sidii nabadgelyada loo xakameyn lahaa, waxaa noo suurtagashay inaan xareyno 2,100-Maleeshiyaadka kooxaha kala duwan ah iyo 900 oo ah Ciidankii hore ee Booliska oo aan xareynay muddo saddex bilood ah ayayna tababar qaateen. Waxaa kaloo noo suurtagashay inaan Dekedda u helno Hay'ad baarta kana baarta Tag Boat oo laba ah oo halkaas ku quusay, Hay'adaas oo Holland nooga timid waxay baartay Biyaha Dekedda in la soo geli karo iyo in kale waxaana cadaatay in Dekedda la soo geli karo labada taagna qaabka loo bixin karo daraasad ka sameeyeen, Dowladda Holland-na ay aqbashay maalgelintii Dekedda lagu sifeyn lahaa laguna qalabeyn lahaa. Waxaa kaloo xilligaas qabsoomay in qashin badan oo magaalada Muqdisho yiilay oo aan olole ballaaran oo iskaa wax u qabso ah ku qaadnay, Masar iyo Liibiya ayaan safar u tegay oo markaa diyaar u ahaa in ay ka qeyb qaataan gacan siinta Gobolka Banaadir.

Su'aal: Dr. Xuseen, maxaa maamulkaas baabi'iyay?

Jawaab:Nasiib darro waxaa dhacay in dagaal sokeeye ka dhashay Muqdisho beelaha magaalada Muqdisho ku dhaqan qaarkoodna ku dagaalameen, markaan arrintaas arkay waxaa ii soo baxday inaan halkaas uga tanasulo xilkii Gobolka Banaadir si ayan u dhicin inaan anigana dib ugu laabto beeshii aan ka dhashay oo aan u soo hubeeyo, waxaan isu fiiriyay khasaaraha iyo faa'iidada ay leedahay, waxaa ii soo baxday inaan xilka ka tanasulo intaan ummad Islaam ah oo dhibaatooyin badan ay heystaan halkaas ay ku baabi'i lahaayeen, saasaana Gobolka Banaadir u baaba'ay.

Su'aal:Xilka Duq magaalo ee aad haatan heyso ka warran?

Jawaab: Hadda xilka Duqa magaalada ee aan hayo waxaa la ii dhiibay 12-kii Disembar 2001, wuxuuna kaga duwan yahay kii hore, kan hore oo aan lahayn dallad ilaalisa, laakin kan waxa uu leeyahay dalladii Dowladnimada, qaab dhismeedkii Dowladda ayaa jiray, Hay'adihii iskaashiga lala sameyn lahaa ayaa jira, haddii ay noqon lahayd Wasaaradihii arrimaha gudaha, tan Dowladaha hoose, Maxkamaddii, Booliskii, Wasaaradihii adeega bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo kuwa kaabayaasha dhaqaalaha, sida gaadiidka, Badda iyo Dekedaha iyo Isgaarsiinta. Marka hadaad i weydiisay farqiga u dhaxeeya hadda iyo tii hore waxaad maleysaa inay midaan ka fursad badan tahay, bacdamaa ay Dowladda Hoose ku dhex jirto hay'adihii ay iskaashan lahaayeen.

Su'aal: Ma isleedahay wax badan waa qabsoomeen marka loo fiiriyo siyaasadda wadanaka ka jirta iyo dhaqaale la'aanta Dowladiina heysata?.

Jawaab: Waad garan kartaa Dal 13-sano dagaalo sokeeye ka jireen oo ay baaba'een kaabayaashiisa dhaqaalaha iyo adeegii bulshada iyo kala dambeyntii iyo maamul la raad raacayo oo aysan jirin, miisaaniyad lagu howlgalo, xitaa haddii wax la qabto oo ayna muuqan Karin waayo baahida ayaa ka badan, sidaa darteed karaankeena ayaan qabanay, mana lihin wax weyn ayaad qabateen, laakiin meel cidlo ah ayaan dhaannaa.

Su'aal:Waxaad sheegtay burbur iyo wax la raadraaco inayan jirin, maxaa kugu dhiirigeliyay oo aad howsha ku bilowday?

Jawaab: Markii ugu horeysay ee xilka aan qabtay waxaa iigu horeeyay inaan isugu yeero qaar ka mid ah duqeyda Gobolka Banaadir iyo Aqoonyahanadii Gobolka iyo waaya aragii horay uga shaqeyn jiray Dowladda Hoose ee Xamar, waxaan u bandhigay qaabka ay hadda leedahay Dowladda Hoose oo dabcan la dhisay 1936-kii oo intaas maamul soo martay iyo duq magaalo oo midba midka kale ku wareejiyay wixii ay leedahay oo maamul iyo miisaaniyad iyo wax la raad raaco, waxaan ku iri waad aragtaan meesha wax kama jiraan, maxaad ku talineysaan, talooyin badan oo wax ku ool ah ayay i siiyeen, talooyinkoodii ayaan raacay waxaana ugu horeyn aan sameynay in salka dhulka loo dhigo maamulkii Dowladda Hoose, in la abuuro xafiisyo ay ka mid yihiin waaxdii dad dhigida, xafiiskii waaxda Maamulka, caafimaadka, waaxda dhulka ama farsamo, shaqaalihii waaya aragga ahaa ayaana howlahaas mas'uul uga dhignay, waxaan bilownay Barnaamijka wacyi gelinta bulshada, Ciidankii ilaalinta degaanka ayaan howlgelinay, waxaan canshuur ku soo rognay Gaadiidka mara wadooyinka Xamar soo gala, waxaan suuragelinay inaan suuqa Bakaaraha canshuur ka qaadno, anagoo tirakoob ku sameynay 9.500 mihnad oo kala duwan, waxaan diiwaan gelinay 850 oo ganacsi waaweyn oo dhoofinta iyo dejinta la xiriirta, shirkadaha Biyaha, kuwa Korontada iyo Bakhaarada waaweyn ee ku shaqeeya lacagaha adag, waxaa noo suurtagashay inaan furno laba waddo oo waaweyn oo suuqa Bakaaraha dhex marta oo dadka aad iyo aad ugu dhibaato qabeen.

Su'aal: Laakiin waxaa la ogyahay in wadooyinkaas sidoodii ku soo laabteen, maxaa keenay baad isleedahay?

Jawaab: Dadka qaarkiis waa loo taag waayay, waxay bilaabeen in wadooyinkii la banneeyay ku soo noqdaan, sharcigana jebiyaan loona taag waayay, markii dambena waxay noqotay in la iska daayo oo ay noqotay arrintu JUUJ WAMAA JUUJ oo maantaa jebineysaa, Berri ayuu ku soo laabanayaa.

Su'aal: Magaalada waxaa ka hirgalay Warshado yar yar iyo Isgaarsiinta Telefoonada oo howsha Taleefan gelinta waxaa muuqata in wadooyinka qaar ay waxyeeleeyeen, maamulkiina ma kala hadlay arrintaas shirkadaha?

Jawaab: Waa run Warshadaha ama shirkadaha cid kasta oo ku howlan adeega bulshada lama diidana adeega ay qabanayaan, sida caadada ahna waxa uu nidaamka ahaan jiray in marka hore fasax la weydiisto, fasaxaas marka la weydiisto Dowladda Hoose waxay ku dareysaa farsamayaqaan, meeshii shaqada laga qabanaayay, habkii loo jeexi lahaa ayay tilmaamayaan, marka Shirkadahaas kuwa Telefoonada, kuwa Biyaha iyo kuwa Korontadaba ay dhigtaan xargahooda iyo tubooyinkooda, hadana farsamayaqaanada D/hoose ayay weydiisanayaan qaabka jidkaas loo kabayo, laakiin arrintaas dhegaha ayay ka fureysteen shirkadaha, waxaanse ka codsaneynaa, mar walbana inay qaataan talooyinka ay Dowladda hoose u soo jeedineyso.

Su'aal: D/hoose howl badan ayay qaban jirtay suurtagal ma tahay in howlahaas si gaar ah (Private) loo wareejiyo, Dowladda hoosena ku ekaato maamulka?

Jawaab: Dunida sida hadda ka jirta, Dowladaha Hoose howlaha badan ee ay qabtaan darteed oo aan loo heynin imkaaniyaad iyo maaliyad waxay sameeyaan si howsha loo fududeeyo qandaraas ayay ku bixiyaan si loo dhiirigeliyo shirkadaha gaarka ah, Dowladda hoose xilkeeda markaa waxa uu noqonayaa howsha la qabanayo inay tilmaan iyo tusaale ka bixiso marka shaqada lagu jiro koontrool inay ku yeelato, marka shaqada dhammaatana qiimeyn inay ku yeelato, saddexdaa howlood ayay Dowladaha hoose adduunka ka qabtaan, anaga arrintaas diyaar ayaan u nahay, howlaha noocaas inaan fulino, walow ay jiraan dad badan oo Dowladda hoose ka shaqeeya, gaar ahaan dhinaca nadaafada, qibrad fiicana leh, talooyinna ka bixinaya qaabka qashinka loo qaadayo, diyaar ayaana u nahay inaan qabano inta ka horeysana waxaan dadweynaha Gobolka Banaadir ku gubaabineynaa gaar ahaan shirkadaha yar yar ee la doonayo inay fursado shaqo ah helaan isla markaasna cudud shaqaale ka abuuranto.

Su'aal: Arrinta siyaasadda Gobolka Banaadir hadaan u soo noqono waxaa laba dhinac ka kala socda maamul la doonayo in Gobolka loo sameeyo, dhinac waa TNG iyo hoggaamiye kooxeedyada Qanyare, Caato, Cumar Filish qaab ay wataan, kooxda kale Muuse Suudi ayaa doonaya in qabiil maamulka lagu dhiso, kee baa kula wanaagsan sideese u aragtaa?

Jawaab: Gobolka Banaadir waxaan howlihiisa ku soo jiray 1998-kii wixii ka dambeeyay aad baana ugu kuur galay ilaa heerna fikrad arrintaa waa ka dhiiban karaa, markaan fiiriyay labada meel ee lagu kala haayo howlaha Gobolka Banaadir waxaan is dhihi lahaa waxay noqoneysaa dadaal badan waa la hayaa oo dad waaya arag ayaa meesha ka shaqeynaya, laakiin gunaanadka waxaan aad iyo aad uga welwelsanahay in meesha aan wax ka soo baxeyn, sababtuna waxay tahay maamul gobol wax cusub ma aha, caalamka oo dhan ayuu ka jiraa, waxaa jira Dowlad Federaal ah, Dowlad dhexe, gobol iyo Degmo, dhammaantoodna waxay ku yimaadaan rabitaanka shacabka isagoo raalli ka ah xubnihiisa degaan asagaa dhista, sidaasna ku hoggaamiya, haddii dadkaas loo arko inaanay hanan karin xilka doorashada soo socota waa laga qaadayaa iyadoo saldhig looga dhiganayo axsaabta siyaasadda, marka gobol sameyntiisa waxaan u arkaa inay Dowlad dhexe oo xoog leh ay jirto ee lagama maarmaan u tahay oo ilaalisa duruufaha kala duwan ee Gobolka curdanka ah ee soo baxaya, Dowlad dejisa shuruucdii ay ku dhaqmi lahayd, dowlad miisaaniyad u sameysa, dowlad diyaarisa inay iskaashi la sameeyaan dowladaha caalamka, caasimadaha adduunka. Dowladdii xiriirka gobolka u sameyn lahayd oo maqan in la sameeyo maamul la yiraahdo hab qabiilaa lagu dhisaa ama hab kooxeedaa lagu dhisaa waxay aniga ila tahay HAL BACAAD LAGU LISAY.

Su'aal: Shirka Nairobi ka socda waxaa la hadal hayay arrinta Federaalka, mowqifkaaga arrintaas ku aadan muxuu yahay?

Jawaab: Runtii nidaamka Federaalka waa nidaam ka kooban dhowr gobol oo u sameysan gobol walba inuu doorto maamulkiisa inuu dhaqaalihiisa la soo baxo iyo inuu iskaashi gobolada la deriska ah la sameysto, iyadoo lagu wada mideysan yahay hal Calan, hal Lacag, hal Ciidan, Soomaaliya inay yeelatana waxaan qabaa inay hadda diyaar u tahay, maxaa yeelay dagaal sokeeye ayaa dhacay, cuqdad fara badan ayaa shacbiga kala gashay, si uu isugu soo noqdo aad ayay u adag tahay, sida la isu aaminana way adag tahay, waxaadna ka garan kartaa shirarka tirada badan ee 13-ka kor u dhaafaya. Waxaan qabaa nidaamka Federaalka inuu yahay midka saxda ah oo ummadda ku kala degi karto, gobol kastana mashaakilkiisa asagaa dhameysan kara kaddibna iskaashi la sameyn karo gobolada la deriska ah, dabcan waxaa jiraya gobolo kheyraad badan oo leh oo bad, xoolo iyo beer heysta, gobolada qaarna ma jiraan ama mid ka mid ah ayuu leeyahay, Soomaaliyana waxay u dhan tahay kheyraad dabiici ah oo macdan iyo shidaal ku jiro, taas ayaa u baahan maalgelin dibadda ka timaada kuna xiran nabadgelyada, marka nidaamka Federaalka waxa uu noqon karaa nidaamka Soomaaliya gaarsiin kara barwaaqo iyo baraare.

Su'aal: Waxaad Duq magaalo ka tahay Muqdisho oo hoy u noqotay dadka afduubka geysta oo waliba ay gaartay in qofkii ay afduubeen oo dhintay laga iibiyo, maxaad taas ka qabaneysaan?

Jawaab: Afduubka ka jira magaalada waa laba nooc,kan koowaad waa koox caadeystay qof alaale iyo qofkii ay ku tirinayaan xoogaa dhaqaale ah ama beeshiisa laga tiro badan yahay afduubtaan. qeybta labaad waa kuwo dadka xigtada ay yihiin soo qafaasha ayna dalbadaan lacago Hub beesha loogu iibiyo, dadka qaar waxay ku qasbaan in lacago cadaan ah bixiyaan qaarna waxay ku qasbaan inay bixiyaan xoolaha nool, kuwo kalena waxay ka qaataan Dokumentiga guriga uu qofkaasi leeyahay, aniga arrintaas aad ayaan uga xumahay, waxaana dadkaas la afduubay ku jira ilmo yar oo lix bilood jira oo waalidkood lacago laga rabo, waana arrimo bani'aadanimada ka baxsan, waxaana labada kooxood u soo jeedin lahaa inay arrintaas ka waantoobaan fiiriyaana Soomaaliya inay u jeesatay inay Dowlad sameysato, beesha caalamkana diyaar ula tahay in dib u dhis iyo Ciidan hubka ka dhiga maleeshiyooyinka Soomaaliya, sidaas darteed waxaan ku waaninayaa in fursadaha soo bixi doona ay ka faa'iideystaan oo ay ka waantoobaan lacagaha xaaraanta ah ay ku helayaan habkaas xaaraanta ah.


Hosted and Developed By The Web Technology

Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 


The Centre for Research & Dialogue (CRD)
-->