|
Dubai, 20ka February 2003,
By Banadir.com
Xubnaha Dawladda KMG ah uga qayb galayay kulanka dib-u-heshiisiinta Soomaalida oo dhowaan loo soo raray magaala madaxda Kenya ee Nairobi , ayaa isaga soo tagay madashii shirka , iyagoo xalay saqdii dhexe ka soo dagay garoonka dayaaradaha ee Dubai, ahna dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Sida aanu ku helnay warar lagu kalsoon yahayna , lama filayo inuu mustaqbalka dhow ku noqdo Kenya Xasan Abshir oo dhawr maalmood ka hor dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen shil baabuur oo ka dhacay jidka u dhexeeya Eldoret iyo Nairobi .
Sida la ogsoon yahay, wuxuu Xasan Abshir Faarax iyo ninkii jagada Ra’iisul Wasaaranimada uga horeeyay ee Cali Khaliif Galeydh ay dhawr jeer oo hore bukaan socod ahaan ugu yimideen dalka Imaaraadka, iyadoo uu sidaas oo kale Xasan Abshirna sanadkii ina soo dhaafay ee 2002 ku tagay Boqortooyada Sacuudiga socdaal dheer oo la xiriiray caafimaadkiisa .
Waxaa isna sidaa oo kale aan war sugan looga haynin ujeedada safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Cabdalla Deerow Isaaq , marka laga reebo socdaal si gaar ah u khuseeya oo uu ku soo eegayo xaaskiisa oo ku nool dalka Suuriya .
Dhanka Kalena , Amiirka Qadar Sheeikh Xamad Bin Khaliifa Al-Thaani ayaa shalay galab ku qaabilay magaalada Dooxa Madaxweynaha Dawladda KMG ah Cabdiqaasim Salaad Xasan oo beryahan booqasho ku joogo Qadar, isagoo lagu wado inuu mari doono dhawr dal oo kale oo Khaliijka ku yaala . Waxay labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta calaaqaadka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal ee Qadar iyo Soomaaliya.
Wefdiga Cabdiqaasim waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Yuusuf Ibraahim (Yuusuf Dheeg ) iyo Wasiirka Maaliyadda Xuseen Sheikh Maxamuud . Waxaa dhanka Qadar kulankaa uga soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Cabdalla Bin Khaliifa Al-Thani iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Qadar Sheikh Xamad Bin Jaasim Bin Jabar Al-Thani iyo madax kale .
|