|
Mogadishu,12th
November 2001
By Banadir.com
Warar
lagu kalsoon yahay oo iminka inaga soo gaaray magaalada Muqdsiha
ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dawladda KMG ah Cabdiqassim
Salaad Xasan uu u magacaabay jagada Ra'iisul Wasaaraha Xasan
Abshir Faarax oo hore uga tirsanaa Golihii Wasaarada ee Cali
Khaliif oo Baarlamaanka kalsoonidii kala noqday bishii ina
soo dhaaftay ee Oktoobar, isagoo ka ahaa Wasiirka Macdanta
iyo Biyaha .
Waana
Xukuumadii labaad ee la soo dhiso muddo ka yar sanad iyo bar
tan iyo markii magaalada Carte ee dalka Jabuuti lagu soo gunaanaday
shirkii nabadeynta Soomalida dhamaadkii bishii August 2000
.
Hadaan
yaraha u leexano taariikh nololeedka Ra'iisul Wasaaraha la
soo magacaabay, Wuxuu Xasan Abshir ka soo qabtay mansabyo
kala duwan maamulkii milatariga ee Maxamed Siyaad , isagoo
noqday Duqa magaalada Muqdisho, kadibna Guddoomiyaha Gobolka
Shabeelaha Dhexe .
Wuxuuna
uga danbeyntii Safiir ka noqday Safaaradaha Soomaaliyeed ee
Bonn(Germany). Wuxuu kaloo jago ka soo qabtay maamul goboleedkii
Dawladda Puntland kadib burburkii Dawladii Siyaad.
|