|
Mogadishu,19ka April 2004
By Bandir.com
Madaxa Dawladda KMG ah Cabdiqassim Salaad Xasan, oo ay ka idlaatay waqtigii dastuurku u ogolaa inay jirto dawladiisa(August 2003) , ayaa u magacaabay Xasan Maxamed Siyaad inuu safiir uga noqdo Saladanadda Cummaan. Xasan oo uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad, uma laha wax aqoon ama khibrad ah majaalka diploomaasiyadda. Waxaana intaa u dheer isagoon haba yaraatee aan ka soo shaqeyn Xaruunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo u ah saldhig cid kasta oo damacsan inay ka shaqeyso arrimaha dibloomaasiyadda.
Xiriirka la wada ogsoon yahay ee ka dhexeeyay Cabdiqassim Salaad iyo qoyska Maxamed Siyaad ayaa ah asbaabta ugu horreysa ee loo hirgaliyay magacaabidan. Marwadii Madaxeyne Maxamed Siyaad oo la yiraahdo Khadiijo Macallim iyo wiilkan iminka loo magacabay Safiirnimada ee Xasan Rubeeti, oo ay wehliso gabadh kale oo isla qoyska ah, ayaa in muddo ah ku noolaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Waxaa kaloo wararku sheegayaan in Xasan Rubeeti laga masaafuriyay Imaaraadka mar sii horreysay, oo ay u diiday dawladda Imaaraadka inay siiso Xasan Maxamed Siyaad (Rubeeti) deganaansho ama iqaamad. Marka waxaa is-weydiin leh,waa maxay macnaha uu ku fadhiyo in Cabdiqassim u soo magacaabo inuu Xasan Rubeeti danjire ka noqdo dal ay jaar yihiin Imaaraadka, oo ay misana ku wada jiraan Golaha Iskaashiga Khaliijka (Gulf Cooperation Council)? Aan u dayno su'aashaa jawaabteeda waxgaradka soomaaliyeed.
|