|
Report
prepared by Banadir.com
Muqdisho,
11th July 2001
Waxaa
shalay (10kii July 2001) magaalada Muqdisho laga furay Rugta
Takhasusiga ee Carafaad oo ah Xaruun cusub oo lagu daryeelo
caafimaadka dadweynaha .
Xaruuntan
oo leh qalab kala duwan oo casri ah, oo aan hadda ka hor dalka
la keenin oo lagu baaro cudurada , waxaana iska kaashaday
dhismaheeda iyo qalabeynteeda Hay'adda Samafalka ee Zendel
iyo Takhaatiir Soomaaliyeed oo takhasus u leh daaweyntooda
.
Waxayna
Rugtu kaalin weyn ka gali doontaa haqabtirka baahida caafimaadka
dadweynaha oo iminka wixii ka horreeyay uu kharash badan kaga
bixi jiray bukaanka, dibeddana u aadi jiray , sida uu sheegay
Dr. Maxamuud Zaahid Maxamuud oo madax ka ah Xaruunta .
Sidoo
kale, waxaa Xaruunta Caafimaadka ee Carafaad diyaar ku ah Takhaatiir
leh takhasuskooda gaarka ah sida Dr. Cabdullahi Maxamuud Maxamed
(Perfesoore) oo ku takhasusay cudurada Keliyaha iyo Kaadi-mareenka
(Urologist) iyo Dr. Cabdullahi Faarax Caseyr oo ku takhasusay
Caruurta (Pediatrician) iyo Takhaatiir kale oo badan oo leh
takhasuskooda ee ha u deyma la'aanina .
|