|
Dubai,
9th July 2001
Tan iyo
markii uu burburay maamulkii Dawladda muddo laga joogo 11
sano, waxaa dalka Soomaaliyeed ka abuurmay shirkado iyo Xafiisyo
khaas ah ( private Institutions ) oo si gaar ah ugu fududeeya
dadweynaha adeegyada guud , iyagoo iyana ka macaasha dhankooda.
Waxaa
shirkadahaa ka mid ah kuwa ka shaqeeya :-
1) Hawlaha
Xawaaladda Lacagta ,
2) Isgaarsiinta Telefoonada iwl.
3) Beec-mushtarka guud ,
4) Daryeelka Caafimaadka iyo Shey-baarada .
5) Warbaahinta ( telefishinada iyo Jaraa'idka ),
6) Gaadiidka Hawada , waxaana hoos yimaada Dayuuradaha gaarka
ah .
Hadaba
Shirkadda Dayaaradda ee Air-Somalia oo ka mid ah shirkadaha
ku hawlan gaadiidka cirka ayaa beryahan danbe dadweynaha macaamiisha
u ah ay kala kulmayeen dhibaatooyin la xiriira sidii ay u
ogaan lahaayeen garoonka ay ka soo dageyso .
Waxaa
tusaale nooga filan duulimaadkii xalay ( 8/7/2001) laga filayay
inuu ka soo dago garoonka dayaaradaha ee Dubai todobada fiidnimo
( 19:00 hrs), oo markii danbana la sheegay inay dayaaraddu
imaatinkeeda dib ugu dhacaday (Expected at 23:30 hrs) in dadweynihii
u yimid inay soo dhoweeyaan ehelkooda duulimaadka la socda
oo qaarkood ka yimid meelo fogfog sida Abu-Dhabi, Al-Ceyn,
Bidca-Zayid iyo Fujeirah aan haba yaraatee laga siin Xafiiska
Shirkadda ee ku yaal Dubai wax wargelin ah .
Sidaasna
ay nasiibdarro ku dhacday in Dayuuradii ay ka sugayeen Dubai
inay cagadhigatay Sharjah , oo markaa ay dantu ku qasabtay
inay mar kale halkaa aadaan, iyagoo inta badan leh dawaam
shaqo .
Waxaa
is-weydiin leh : Xagee loogu soo hagaagaa Air-Somalia .
Ma Dubai
baa mise Sharjah ? Sow ma haboona inay yeeshaan waqti xadidan
(Arrival Time) iyo garoon loogu soo hagaago ?
Report
prepared by Banadir.com
|