|
Muqdisha,16ka April 2004
By Banadir.com
Tan iyo markuu ka idlaaday TNG-da waqtiguu dastuurka u ogolaa inay jirto oo ku beegnayd bishii August ee sanadkii tagay 2003, ayaa waxaa dadka badankii u muuqda in xaalku ku xun yahay madaxa Dawladda KMG ah Mudane Cabdiqassim Salaad Xasan. Xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa ayaa durba ku bilaabay inuu wax ka qabto xaaladda murugeysan ee dawladiisa, golaha baarlamaanka iyaga warkoodaba daa, oo waa la og yahay inta jeer ay isku dayeen in lagu sameeyo is-bedel hogaanka sare ee TNG-da.
Cabashada ay iminka wadaan xubnaha golaha Wasiirada qaarkood waa iyagoo si gaar ah u tilmaamaya miisaaniyad iyo mushaar la'aanta haysata iyo xoolaha xad dhaafka ah oo ay ku takri-falayaan dhawr wasiir oo fara ku-tiris ah oo ka bixi waayay socdaalo ay dibadaha ugu maqan yihiin, taas oo ay arkaan in aanay ku jirin cadaalad iyo sinaan midna.
Waxay kaloo xubnahan ka cabanayaan iyadoo aanu Cabdiqasim daboolka uga qaadin adduun wixii TNG-da loo hayo iyo sida loogu tasarufay iyo sababta dhalisay inay ku waayaan xaqooda, iyagoo si gaar ah u eedaynaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo aan fulin haba yaraatee waajibaadkii ka saarnaa arrinkan.
Iyadoo hadaba arrinkaa la xidhiidha gadoodka qaar ka mid ah xubnaha golahiisa Wasiirada ay jirto,oo dalkiinna abaar daba-dheeraatay,suuq gubtay,calool shuban aan dawo loo hayn iyo amaan-darro hayso, ayaa waxaa misana u sii dheeraaday in Cabdulqassim looga furay olole liddi ku ah oo xaga iclaamka ah qaar ka tirsan dalalka khaliijka ah oo uu taakuleyn iyo wax qabadba ka sugayay.
Waxaa jirta in Korneyl Cabdullahi Yuusuf uu dhowaan ku siiyay magalada Shariqa ee dalka Isutagga Imaaraadka wareysi suxufiga la yiraahdo Jacfar Maxamed Axmed oo ka socday Jariidada afka dheer ee luqada carabiga ku soo baxda ee Al-Khaliij,isagoo ku sheegay in Dawladda KMG ah aaney matalin shacabka Soomaaliyeed mar hadii ay idlaatay salaaxiyadii ay lahayd, taas oo ku ekeyd bishii August 2003.
Waxaa kaloo iyana jirta warar sheegaya in Dawaladda Kenya ay damacsan tahay inay ka joojiso ictiraafka baasaboorka Soomaaliyeed,iyadoo la wada og yahay inay dhinacna marti looga yahay dalka Kenya shirka nabadeynta Soomaalida. Wararka la xidhiidha go'aanka dawladda Kenya oo aan weli la xaqiijin, wuxuu ku soo beegmay waqti uu ka jiro Muqdisha guddi loo xil saaray xalinta xiisad ka taagan Qunsulliyadda Soomaalida ee Dubai.
Waxana la leeyahay in guddiga loo qabtay Qunsulliyaddu ay la yaab iyo amakaag ku noqotay markii ay ka war heleen in Qunsulka Maxamed Yarow uu iska sii saxiixay baasabooro iska maran, oo uu daayay shaqaale hoose inay buuxiyaan oo ay siiyaan ciddii ay doonaan.Cawaaqib xumada ka iman karta falka noocaas ah,iyo dawlado badan oo iminka aad ugu dhega nuqul xuuraanka argagaxisa iyo iyagoo u dhuun daloola, loona soo tarjumo hadba wixii ka dhaca Soomaaliya, ayaa malaha kalifay in Kenya ay ku dhaqaaqdo tallaabadan.
Waana ayaan darro weyn oo mar kale soo waajahday shacabweynaha Soomaaliyeed,oo awlalba sidiisa kale isaga taag-darnaa,waayo ma jirto cid dan ka leh ama iska saareysa mas'uuliyad maslaxadda guud .Hadii aan la taxadarin waxyaabaha noocaas ah,oo aan xil gaar ah la iska saarin,waxaa hubaal ah inay imaanayso waqti uu gebi ahaanba joogso isticmaalka baasaboorka Soomaaliyeed !!!!!!!!!!!!!.
|