|
Mogadishu,14 July 2004
By Banadir.com
Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, Gudoomiyaha Golaha Samata -bixinta Soomaaliyeed oo dorraad booqday magaalada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe, ayaa shalay u ambabaxay Caasimada dalka Kenya ee Nairobi,halkaas oo uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.
Al-Xaaji Muuse Suudi waxa uu ka mid ahaa raga fara ku tiris ah ee ku harsanaa dalka oo marar badan fariimo loo soo diray, isagoo looga codsanayo inuu ka soo qaybgalo Shirka nabadeynta Soomaalida. Waxaynu kaloo ka war qabnaa in bixitaanka Xaaji Muuse Suudi Yalaxaw uu markan ku soo beegmay xilli ay beesha uu ka dhashay liiskii u gudbiyeen Guddiga IGAD ee haya qabanqaabada wejiga ugu danbeeya ee shirka, halkaas oo laga filayo in la helo dabayaaqada bisha dawlad Soomaali u dhan tahay.
|