Mogadishu,4ta Oktoobar 2002
By Banadir.com
Hogaamiye Muuse Suudi Yalaxow oo dorraad ku qaabilay magaalada Muqdisho laba wafdi oo ka kala socday Qaramada Midoobay iyo Maamulka Mareykanka, ayaa Saxaafadda u sheegay inuusan ilaa iyo iminka helin tafaasiil ku saabsan qabashada iyo ajandayaasha shirka nabadeynta Soomaalida ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada El-Doret ee dalka Kenya bartamaha bishan Oktoobar .
“Ma jiro wax martiqaad ah oo nala soo gaarsiiyay” ayuu yiri Muuse Suudi oo kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM. u qaabilsan Soomaaliya Mr. Winiston Totman .“waxaanu ka wada hadalnay Wafdiga Qaramada Midoobay shirka dib u heshiisiineed ee ka dhici doono Eldoret” ayuu yiri Muuse Suudi oo dhinaca kalena sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin ka qeybgalka shir looga hadlayo sidii Soomaaliya ay u yeelan laheyd Dowlad loo dhan yahay.
Sidoo kale Mr.Glen Worren oo ah ku-qaybsanaha arrimaha Soomaaliya ee Safaaradda Mareykanka ee Nairobi fadhida ayaa isaguna isla shalay la kulmay Muuse Suudi Yalaxow oo ay Wehliyeen Dr. Hilowle Imaam Cumar oo ka mid ah Guddoonka SRRC, Maxamed Sayid Cumar, Maxamed Cusmaan Maye, Dr.Muuse Cali Cumar, Prof. Maxamuud Maalin Cumar, Xasan Sh,Cali {Xasan Biloote} iyo Xubno Kale oo fara badan .
“Wafdiga Mareykanka waxay noo sheegeen in ay dhinaca Maaliyadda ka kaalmeynayaan shirka Eldoret” ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay inaaney jirin cid ay Mareykanka u soo Magacaabeen in uu qabto Madaxtinimada Soomaaliya.“Waa jiraan dad iska sheegsheegta arrintaas , balse ma aha wax dhab ah” ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay In uu taageersan yahay gadoodka ay wadaan Saxaafadda Xorta ah ee la doonayo in lagu caburiyo. wuxu una yiri “Ma jirto cid caburin karto Saxaafadda Anigu ma doonayo in aan caburiyo cid aniga iiga dhibaato badanna ma leh, waayo Saxaafaddu waxay qortay Muuse Suudi waa in la dilaa hadal ah, mana ogi cid aan wax ka galabsaday, C/qaasim intaas lama dhihin ,aniga waa ley yiri ee ha adkeysto” ayuu yiri Muuse Suudi oo Saxaafadda u sheegay in ay iyagu Markii horeba buunbuuniyeen wax aan Jirin .
Dhinaca kale waxaa uu sheegay Muuse Suudi in ay jiraan shakhsiyaad uu tilmaamay in ay dibadaha wareegaan.“Shakhsiyaadkaas waa kuwo aysan jirin cid ay matalaan, mana rabaan in Soomaali isu timaado, ka dibna ay wadajir u dhisato Dowlad loo dhan yahay“ ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay in Soomaali ay iyadu dooraneyso Ciddii madax u noqon laheyd, wuxuuna caddeeyay in dalal dibadda ah aysan u dhiseyn Xukuumad, lagama maarmaanna ay tahay in Soomaali ay iyada isku tashato .
|