|
Sonna…Agosto..7…Muqdisho
Wasiirka
Warfaafinta DKM ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in Guutooyin
ka tirsan Ciidamadda Itoobiya ay soo galeen, qabsadeena gobolada
bay iyo bakool ee dalka Soomaaliya.
Mudane
Sakariye Maxamud Xaaji cabdi oo galabta xarunta Madaxtooyadda
ee Magaaladdan Muqdisho ku qabtay shir-jaraaid,wuxuuna ku
caddeeyay in Ciidankaasi Itoobiyaanka sahankoodu uu soo gaaray
Degmadda Buurhakaba,iyadoo uu sheegay in Ciidamadasi ay Xayiraad
ku soo rogeen qalabka Isgaarsiinta ee Deggaanadaasi.
Wasiirka
oo hadalkiisa sii wata ayaa shegay in Dowladda Itoobiya ay
qorsheysatay in weerar dhinacyo badan leh oo dhowr qeybood
u qeybsama ku soo kala bixiso Magaalooyinka Kismaayo,Marka
,Baraawe,Muqdisho ,Balidoogle,B/weyne iyo Garoowe, iyadoo
ku dooneyso in si xoog ah Shacbiga soomaaliyeed ugu qasabto
inay maamulaan Keligood-Taliyayaal ay heeryadoodii iska tuureen.
“Itoobiya
markii ay aragtay in laga adkaaday Kooxihii ay taageeri jirtay
ay goosatay in ay Dagaalka iyada soo gasho, weerarkana waa
mid aanay geedna ugu soo gaban”sidaasi waxaa yiri Wasiirka
Warfaafinta DKM Mudane sakariya Maxamud Xaaji Cabdi, wuxuuna
guud ahaan Shacbiga Soomaaliyeed meel kastoo uu joogo gudaha
iyo dibadda in ay iska difaacaan Gardaradda Caddowga.
Wasiirka
sidoo kale waxuu Wasiirku Besha Calamka guud ahan, gaar ahaan
qaramadda Midoobay,Ururka Midowga Afrika (OAU),Ururka IGAD,Ururka
Jaamacadda carabta,kan Islaamka iyo Midowga Yurub inay wax
ka qabtaan Duulaanka gardaradda ah ee Itoobiya ay ku soo qaaday
Geyiga soomaaliyeed.
|