|
Waraysi
uu caawa la yeeshay Banadir.com Duqa Magaalada Muqdisho Dr.
Abdullahi Muuse Xussen wuxuu sheegay in koox burcad ah ay
ku tuureen bamka gacanta gaari uu lahaa duqa magaalada oo
lagu samaynayay garaash ku yaalo Isgooyska Sanca agagaarkeeda.
Duqa Magaalada
wuxuu noo sheegay in burcadaas oo aan wax ujeedo ah lahayn
ay ku dhaawaceen qaar ka mid ah dadkii joogay garaashka.
Mar uu
ka hadlaayay Duqa Magaalada Dr. Abdullahi Muse Xussen dhismaha
iyo nadaafada Magaalada wuxuu sheegay in howlo badan la qabtay
, haddana ay weli wax badan ka dhiman yihiin dhinaca nabadgalayada.
|