|
Wasiirada
arrimaha gudaha iyo macdanta iyo biyaha ee DKMGah, Mudane
Dahir Maxamed Sheekh(Dayax) iyo Mudane Xasan Abshir Faarax
oobooqasho ku jooga waddanka mareykanka (Washington,DC) ayaa
la kulmayhabeenimadii axadda oo ay taariikhdu ahayd 08/26/01
qowmiyadda reer banaadir eeku nool metropolitan Washington,DC
iyo nawaaxigeeda oo qiyaastii gaarayey illaalixdameeyo.
Wasiiradu
waxay si wada jir ah uga warbixiyeen xaaladanabadda dhulkii
hooyo gaar ahaanna gobolka banaadir. Wasiirada waxay kaloo
kawarbixiyeen barnaamijka DKMG,ayna sheegeen inuu yahay mid
ku salaysan dib uheshiisiin iyo sugida nabadda.
Wasiirada
iyagoo sii wata hadalkooda waxay sheegeen inaydowladdu iyadoo
ah mid aan waxba dhaxlin haba yaraatee ay hawlo badan qabateysida
dib u uririnta maleeshiyooyinka iyo hubka,nadaafadda, iyo
dib uheshiisiinta, ayna dhiman yihiin howlo badan oo qaarkood
dhaqaale darro uxayiran yihiin, ayna ku niyadsan yihiin inay
dhammaan doonaan haddii eebe idmo.
Wasiiradu
waxay warbixin iyo oraahdoodaba ka dhageysteenqaar ka mida
masuuliyiinta qowmiyadda, oo ay ka mid ahaayeen : Col ShiikhSaalax,
Shiikh Saciid, Alawi Hashim,Mohamed Hagi Sufi,Mohamed SharifAli(Shanyalow),iyo
qaar kale oo aan magacyadooda halkan ku soo koobi Karin.
Qowmiyaddu
waxay u mahadceliyeen wasiirada uguna duceeyeen in ilaahey
ufududeeyo howshooda adage ee hortaalla.
Ugu danbeyntii
Wasiiradu waxay uga tacsiyadeeyeen qowmiyadda dhibaatooyinkii
ka soogaaray dagaaladii sokeeye, kana codsadeen inay maskaxdooda
ku soo biiriyaandowladooda iyo dalkooda hooyo.
Qore;
yusuf samater
|