|
Maxamed
Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Wasiirka
Maaliyadda ee dowladda KMG ah, Sayid Axmed Sheekh Daahir ayaa
maanta u sheegay Golaha Baarlamaanka KMG ah war cusub oo naxdin
leh oo sheegaya in qasnadda Wasaaradda Maaliyadda ay ka maqan
tahay lacag gaaraysa 3.5 milyan oo dollarka Mareykanka ah.
Waxa uu sheegay Wasiirku in hal milyan oo lacagtaas ka mid
ah uu jeeg ahaan uga qaatay Ra'iisal Wasaaraha dowladda KMG
ah, Cali Khaliif Galayr. "Milyan iyo bar kalena waxaa
iga saxiixday Guddoomiyaha Bankiga Dhexe" ayuu yiri Sayid
Axmed Sheekh Daahir.
Wasiirka
Maaliyaddu, waxa uu sheegay inaysan sharciga waafaqsanayn
qaabka lacagahaasi ku bexeen. "Waxaan isku dayey inaan
hor istaago, waanse awoodi kari waayey. Waxaa kaloo iga maqan
225,000 oo dollar oo Baarlamaanka aan u saxiixay" ayuu
yiri.
Golaha
Baarlamaanka gudihiisa ayay arrintani saakay ka dhalisay dood
kulul oo lagu sigtay in laysu gacan qaado. Buuqii Baarlamaanka
oo maalmahaanba circa ku dhegganaa ayaa sii kordhay.
"Meesha fadeexad xun ayaa ka dhacay, waa nasiib darro
nagu wada dhacday" ayuu yiri Xildhibaan ka mid ah xildhibaannada
Golaha Baarlamaanka. Waxa ay xildhibaannadu ku dhaleeceeyeen
dowladda inay ka caga jiidaysay beryahanba inay runta qeexdo.
Xildhibaan
Faarax Xasan oo ka tirsan Baarlamanka ayaa sheegay in Madaxweynaha
Indoniisiya uu Baarlamanka dalkiisu ku haysto lacag gaaraysa
hal milyan oo dollar, "halkanna, waxaa maqan lacag ku
dhow afar milyan oo dollar" ayuu yiri.
Xildhibaan
Sahra Jaamac Qoorsheel ayaa ku baaqday kulan degdeg ah. "Waa
war naxdin leh warka uu noo sheegay Wasiirka Maaliyadda"
ayay tiri iyadoo hadal dheer ka jeedisay Golaha.
Maalinta berri ah ayuu Goluhu isugu imaan doonaa kulan degdeg
ah oo aan caadi ahayn. Kal fadhiga Baarlamanka oo la filayey
in la soo xiro toddobaadkii tagay ayaa la uta dheereeyey arintan
awgeed
|