War Saxaafadeed - Xafiiska TFG ee Nayrobi... Nov 07 2005

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda
Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi
oo ka dagay Garoonka Cisenley ee Waqooyiga Muqdisho
maalintii shalayto una soo gudbay Magaalada
Bartamaheda,ayaa waxaa agagaarka Hoteel Gurguurte
meel biya degeen ah gaarigii uu la socday loo dhigay
Miinada Dhulka Wadadada dhinaceeda laga hagaayay
(Landmine with remote control)

Qaraxa Miinadaasi waxaa si xoog leh ula kulmay Labadii
Baabuur ee daba socotay ee Galbineysay Baabuurka
Ra'iisul Wasaare Geedi,waxaana isla goobtaasi ku
geriyooday 5 ka mid ah Ciidankii Ilaalada u ahaa
Ra'iisul Wasaaraha,halka ay 12 kalana ay ku
dhaawacmeen Qaraxaasi.
Arrintan waxay la xiriirtaa Qaraxyadii hore ee ka
dhacay Garoonka Istaadiyo Muqdisho 4 bishii May ee
2005, iyo Dilalka isdaba joogga ah ee loo geysanaayay
Aqoonyahanada,Saraakiisha iyo Hay'daha Samafalka oo
loogu geysanaayay,waxa uu Ra'iisul Wasaare Geedi uu u
magacaabay Guddi soo baara waxa dhaliyay iyo Cidda ku
leg leh Qaraxaasi iyadoo Sharciga la hor geyn doono
lagana abaalmarin doono ciddii uu ku cadaada Falkaasi.
Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu uu ku
tilmaamay Ujeedada socdaalkiisa mid la xiriirta sidii
uu ula kulmi lahaa Wasiiradda iyo Xildhibaanada
Muqdisho joogo, si looga wadahadlo Nabadeynta Muqdisho
loona dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira, wuxuuna
Ra'iisul Wasaaraha caddeeyay inuu sii wadan doono
Howlihiisa Qaran ee uu u haayo Shacbiga Soomaaliyeed.
Prof Geedi wuxuu isla maaanta sii watay kulamadii uu
la yeelanaayay Wasiiradda iyo
Xildhibaanada,masuuliyiinta Gobalka banaadir iyo
Waxgarad kale, wuxuuna isagoo ka xun kana
tiiraanyeysan Dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku
dhaawacmay uu u diray Eheladoodii Tacsi, isagoo u
rajeeyay inta dhaawacantay in Alle uu Bogsiiyo, kuwana
dhintayna uu janadiisa Fardowsa ka waraabiyo.
Raiisul Wasaaraha wuxuu markiiba amray in si degdeg ah
loogu gurmado loona daaweeyo dadkii dhaawaca noqday.

Xiriiriyaha Xafiska TFG ee Nayrobi
Mudane Maxamed Cali Nuur' "Ameeriko"