|
Waxan
idinla socodsiineynaa in wararka ku soo baxay Hiiraan-online
27 June, oo sheegayey in Wasiirka Maaliyadda Dowladda KMG
ah uu sheegay in ay 3.5 milyan oo Dollar ka maqan tahay qasnadda
Dowladda uu yahaya war been abuur ah, oo sal iyo raad aan
lahayn.
 |
Dowladda
dhexe ma laha khasnad dhexe oo ay lacag ugu jirto, mana
jirro mas'uul ka tirsan Dowladda KMG ah oo si gaar ah
ugu takri falay lacagta Dowladda. Warkan waxa uu ka mid
yahay aaladaha lagula dagaalamayo Dowladda KMG, lana doonayo
in la isaga hor keenno mas'uuliyiinta |
Dowladda,
taasoo loola jeedo in lagu hor istaago geedi socodka nabadeed
ee ay waddo Dowladda KMG ah.
Mas'uuliyiinta
Dowladda KMG waa ay ka gudbeen heer ay iska horyimaadaan ama
ay isku khilaafaan wax ay qoreen kuwa aan waxba ka aqoon nidaamka
saxaafadda balse, ku fikiraya sidii ay nolol maalmeed ku helilahaayeen.
Khilaafka u dhexeeya Wasaarada Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe
ma aha khilaaf danaysi ee waa mid la xiriira arimo maamul.
Sida aan
wada ognahay Dowladda KMG ah waxay ku jirtaa heer dhismo mana
loo dhamaystirin hay'adihii kaabayay dowladda, sida Xisaabiyaha
Guud iyo Hantidhowrka Guud oo mas'uulayadoodu tahay hubinta
iyo la socodka hantida Dowladda. Sidaa darteed, labadaas hay'adood
oo aan wali howl gelin darteed si ay ula socdaan howlmaalmeedka
Hey'adaha Dowladda ayaa waxay dhalisay in howlihii la xiriiray
kharash bixinta ay adkaadaan sidii loo fulin lahaa.
Haddii
aan u soo laabto arinta sida beenta ah ay u fasireen saxaafadda
gudaha qaarkood oo la xiriirta lacagaha lagu maamulayo kharashyada
kala duwan ee Dowladda oo ay ku sheegeen 3.5.Milyan oo aan
la garanaynin meel ay ka soo xigteen ayaan waxaan halkaan
ku caddeynaynaa sida dhabtu tahay;
1. Wasaaradda
Maaliyadda waxay diyaarisay Jeeg ay ku qoran tahay lacag SR.
3,750,000 una diganta US $ 1,000,000 oo aan u dhiibay Ra'iisal
Wasaaraha si looga soo saxiixo Guddoomiya Bankiga Dhexe oo
loogu talagay in lagu fuliyo howlaha kala duwan dowladda ee
ma aha jeegga uu Ra'iisal Wasaaruhu si gaar ah u qaatay. Jeeggaas
waxaa ku saxiixnaa Wasiirka Maaliyada, lamana qaadan karo
iyadon saxiixyadiisa loo dhamaystirin. waxaa laga hor caddeeyay
Golaha Shacbiga sababta uu Jeeggaas u taagan yahay, waa arin
la xiriirta xagga maamulka.
2. Waxaa
kale oo iyadana jirta Jeeg lagu qoray magaca Bankiga Dhexe
lacagtiisuna ay dhan tahay SR. 2,737,500 una dhiganta US $
730,000 looguna talagay in lagu bedelo lacagta Shilling Soomaliga
ah ee dowladdu xaraashka ku iibsatay iyadoo shirkadda Barakaat
ay dadkii sariflayaashii laga iibsaday Shilling Soomaliga
siisay qayb ka mid lacagtodii iyagoo sabab uga dhigay in aysan
qaadan jeegga ku qoran magaca Bankiga Dhexe .
3. Sidoo
kale, Golaha Wasiirada waxay go'aansadeen in mas'uuliyiinta
ka tirsan labada Gole (Baarlamaanka & Wasiirada) ee degen
hotelada la dejiyo guryo ugu dambeyn June 10, 2001.
Waxaa
loo qoondeeyay lacagtii lagu fulin lahaa mashruuca dejinta
mas'uuliyiinta labada Gole ayaa waxay Wasaaradda Maaliyadda
ka soo hormarsatay Barakat Bank lacag dhan US $ 300,000. Mana
jirto lacag si gaar ah uu u codsaday Wasiirka Maaliyadda.
Haddaba,
iyado laga amba qaadayo arimahii been abuurka ahaa waxaay
Wasaaradda Maaliyadda oo wakiil ka ah maaliydda dalka caddeynaysaa
in uusan jirin mas'uul Dowladda KMG ka tirsan oo lunsaday
ama ku takri falay lacagta khasnadda Dhexe ee Dowladda. Wasaaradda
Maaliyadda waxay diyaar u tahay in ay ka qanciso ciddi shaki
ka qabto in si xun loo maamulay maaliyadda dowladda.
Haddaba
sida aad la wada socotaan 10 kii sano ee la soo dhaafay oo
lagu jiray dowlad la'aanta, dadka waxay ilaabeen sharciga
iyo kala dambeynta iyadoo qof waliba uu sameeyo waxa isaga
raali galiya isagoon u eegin xagga sharciga iyo dhibka ay
u keeni karto guud ahaan shacabka. Dowladda ku meel gaarka
ah waxay hadda ku guda jirtaa howlgalinta taabagalinta hay'adaha
garsoorka iyo ciidamada amniga si ay u soo celiyaan sharciga
iyo kala dambeynta.
Wasiirka
Maaliyadda Dr. Axmed Sheekh Daahir.
Warkaasi
wuxuu maanta kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda
KMG ah
Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir.
Maxamud
Yusuf
Soomaligov@yahoo.com
Muqdisho
Soomliya
|