|
Eng. Abdirahman
Omar Osman
Afhayeenka Guddiga Maamulka Muse Sudi Yalahow (Yurub) Yarisow70@hotmail.com
Anigoo ku hadleyna Magaca golaha Maamulka Muse Sudi Yalahow
ee Yurub, waxey nala noqotay inaan soo saarno war saxaafadeedkan,
kadib dhacdadii iska hor imaadka ee ka dhacday Magaalada Muqdisho
27kii Maarso 2001, anagoo ka jawaabeyna war saxaafaddaha xorta
ee Soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba ey soo bandhigeen kuwaasoo
aan ka run sheegin dhacdadaas.
Marka
hore waxaa mudnaantayada koowaad leh shaqsiyaadkii Soomaaliyeed
ee ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmayba, waxaan u tacsiyeyneynaa
shaqsiyaadkaas waxaana EEBBE uga baryeynaa inuu janaddii ka
waraabiyo, eheladdii iyo qaraabaddii ey ka geeriyoodeena Samir
iyo Iimaan EEBBE ka siiyo, sidoo kale shaqshiyaadkii ku dhaawacmay
iyagana waxaan EEBBE uga baryeynaa inuu siiyo ka kabasho caafimaad
oo deg deg ah.
Aad
baan uga xunnahay in saxaafadaha qaarkood ey mudnaanta koowaad
siiyeen shaqsiyaadkii Ajaanibta aheyd diiftii ka muuqatay
oo eyna marnaba xusin dhimashadii iyo dhaawicii shaqsiyaadkii
Soomaaliyeed.
Waxaan
jeclaan laheyn inaan caddeyno in aan marnaba dagaal gardarro
ah oo duulaan ah aan lagu qaadin xarunta Medicins Sans Frontieres
ee Magaalada Muqdisho, balse ey aheyd shil aan ku tala gal
aheyn oo dhacay, runtiina aan aad uga xunnahay.
Marnaba
Muse ama kooxdiisa raalli kama aha kamana noqon karaan in
la weeraro Hay'adaha gargaarka iyo shaqaalahoodaba, sidaas
daraadeed waxaan leenahay war saxaafaddeedkii ey qoreen hay'adaha
Reauters iyo BBC world service webpagekooda maalintii arbacadii
04/04/2001 ineysan aheyn arrimo raad iyo sal leh iyagoo ku
eedeeyey in Muse Sudi iyo Kooxdiisa ey weerareen xarunta MSF.
Waxaan
mar walba aamminsanahay in shaqaalaha hay'adaha gargaarka
ey istaahilaan caawinaad kasta inta ey ku sugan yihiin waddanka
gudihiisa, eynu marnaba raalli ka aheyn in la weeraro ama
la waxyeeleeyo.
Ka dib dhacdaddaas shilka oo aan ku tala galka aheyn waxey
nasiib darro saameysay shaqaalihii gargaarka oo aan isla markiiba
u fidinay gargaar bani'aadanimo iyo siddii iyaga oo badbaadsan
ey ku dhoofi lahaayeeen, taasoo ey dadka qaarkiis u fasirteen
in la afduubay ama in lacag lagu raadsanaayo, waxaa tan dalliil
u ah ka dib markii ey war saxaafaddeed bixiyeen markey tageen
Kenya waxey yiraahdeen waxaan ka sheekeysaneynay dhallinyarada
iyo inaga Cayaaraha Ingiriiska sida Manchester United iyo
Arsenal cayaartii dhex martay.
Sidaad
la socotaan waxey noqotay in Bill Condie iyo Roger Carter
oo labadaba u dhashay Ingiriis ey daahaan oo eysan dhaqso
uga tegin waddanka, haddaba arrintan waxaa sababay sababo
fara badan oo ey ka mid aheyd in la sugno nabadgelyadooda,
iyo iyadoo kooxda Carte iyo Hogaamiye kooxoodyada qaarkood
ey ku guuldareysteen inay dhallinyarada sugeysay ammaanka
la galaan gorgortan, haddaba waad dareemi kartaan dhibka ey
kordhisay arrintan, si kastaba ha noqotee maalintii 4/4/01
ayey iyaguna ka amba baxeen magaalada Muqdisho shuruud la'aan.
Sidoo
kale wakaalada wararka ee Reuters waxey qortay in loo qabsaday
raggaas si loo tuso dunida caalamka ineysan kooxda Carte sugi
Karin nabadgalyada magaalada Muqdisho, haddaba arrintan waa
mid aan sal iyo raad toona laheyn, sidaan ka warqabno magaalada
Muqdisho marka loo fiiriyo xaaladaha jira darted waxaan ku
tilmaami karnaa iney tahay meel nabadeed waayo adduunka magaalo
ey maamulaan hoggaamiye kooxood, shacabkana uu intiisa badan
heysto hub, sharci la'aan iyo maamul la'aanba maba jirto,
sidaas ey tahayna waxaan anaga u horseednay hoggaamiyeyaasha
kale in qeybaha magaalada aan ka talino in eysan jirin nabadgalyo
xumo.
Marnaba
hadafkayaga ma'aha inaan caalamka tusno nabad gelyo xumo,
oo waxaan aaminsanahay in kooxaha kale ey nagu daydaan oo
ey nabadgelyada dhankooda ka sugaan si loo gaaro hadafkayaga
guud ee ah in la helo Dowlad Caadil ah loona dhanyahay, matali
kartana Ummadda Soomaaliyeed.
Ka dib markii ey arrintan dhacday waxan isla garanay in la
magacaabo guddi ka baaraan degga, fallanqeeyana sababaha keenay
isku dhacan iyo siddii mustaqbalka looga faa'iideysan lahaa
ineysan arrimahan oo kale dhacaan, waxaana rajeyneynaa in
guddigan uu dhowaan soo saaro warbaxintooda, taasoo aan ku
soo gudbin doono war saxaafaddeedyada danbe.
Eng.
Abdirahman Omar Osman
Afhayeenka Guddiga Maamulka Muse Sudi Yalahow (Yurub) Yarisow70@hotmail.com
|