|
SI DEYN DEG-DEG AH ABRIIL 9, 2001
Dr. CABDI MAXAMED CULUSOW "BLACK" OO BIXIYAY WAR SAXAAFADEED
TORONTO
Mar ay
teleefan isku xirteen (tele-conference) oo ku wada hadleen
aqoonyahanka Mudulood ee dibedda ku nool ee ku sugan: Wqooyiga
Ameerika, Yurub, Carabta iyo Afrika; waxayna soo saareen war
saxafadeedkan: "Runti waxay noqotay wax lala yaabo oo aan
munaasab ahayn, ama qof mas'uul ah inuu ka soo yeero, wax
walaac siyaasadeedna keeni kara iyo colaad sokeeye oo dhex
marto beela wada dhashay inuu Cali Khaliif Galleyr uu ku tilmaamo
Muuse Suudi Yalaxoow inuu ka yimid seddex boqol oo kiiloometer
meel Xamar u jirta", ayuu yiri Dr. Culusow.
"Marka
hore Muuse Suudi Yalaxoow, wuxuu ku dhashay kuna bar-baaray
Xamar, waana shaqsi Mudulood ah. Haddaba Cali Khaliif Galleyr
waa ku qaldan yahay, waana siyaad gurracan, haddii uu doonayo
inuu qilaaf ka dhex abuuro Beesha Mudulood; qaarna ka dhigo
in ay marti ku yihiin Xamar, qaarna ka dhigo ineey leeyihiin,
wax u meel maraayo ma aha. Maxaa yeelay Mudulood Xamar ma
kala laha, cid walbo oo Soomaali ah oo nabad ineey kula noolato
rabto waa lagu soo dhoweynaaya.
Mida
kale Muuse Suudi Yalaxoow, wuxu ku ammaanan yahay inuu deganeyn
xafiis dawladdeed, guri dad ay leeyihiin, inuu jidka isbaaro
u oolin, wax argagaxiso ah uuna ku kicin, lacag aan jirin
dalka soo gelin, heysanna hanti dad ay leeyihiin iyo inuu
dhul dad ay leeyihiin dagaal u aadin, duulaanna ku qaadin.",
ayuu yiri Dr. Culusow.
"Waan
ka xunahay dhowaan afduubki lagu sameeyay shaqaalaha Samafalka
iyo kooxdi ka socotay UN-ka oo ah wax ka baxsan bani'aadanimada
oo marna raali laga noqon karin. Waxaan kale oo aad iyo aad
uga xunahay dhimashadi iyo dhaawaci faraha badna ee soo gaaray
beesha Mudulood ee dagaalamay iyo dhammaan dadki rayidka aha
ee ku hoobtay, qaarna ku dhaawacmeen. Waxaa kaloo ku ammaanan
wax qaradki Mudulood oo damiyay colaadi sii faafi la hayd",
ayuu yiri Dr. Culusow. "Haddaba, waxaa laga ma maarmaan ah
in loo saaro Guddi Farsamo oo madax bannaan oo soo baara,
sida ay wax u dhaceen, dhibaatada inta ay la ektahay iyo ciddi
ka dambeeysay oo ku lug lahayd.
Maxaa
yeelay, ma qabno Cali Khaliif Galleyr iyo xubnaha kale ee
ka tirsan Dawladda KMG ah in ay runta ka sheegeen sidi ay
wax u dhaceen ama kalinta ay kaga jireen dhibaatadi dhacday
oo loo baa hanyahay in ay ogato Ummadda Soomaaliyeed", ayu
yiyri Dr. Culusow.
Dr. Cabdi
Maxamed Culusow "Black"
Toronto, Canada.
|