Rotating Banner

Web Hosting
Main Page
Latest News
BBC Somali 1800

BBC Somali 1600

Topic of the week
Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room

Djibouti Conference



M.M.Afrah's Books
  

0rder M. M. Afrah's book
THE SOMALI TRAGEDY
THE GANG RAPE OF A NATION. Mr. Afrah is a skillful writer and innovative storyteller. CLICK HERE FOR THE REVIEWS AND HOW TO ORDER THE BOOK.


Search BBC News

 


Previous News

Sep-Oct 2004 News
Aug 2004 News
July 2004 News
June 2004 News
May 2004 News
April 2004 News
Mar. 2004 News
Feb. 2004 News
Jan. 2004 News
Dec. 2003 News
Nov. 2003 News
Oct. 2003 News
Oct. 2003 News
Sep. 2003 News
Aug. 2003 News
July 2003 News
June 2003 News
May 2003 News
April 2003 News
March 2003 News
Feb 2003 News
Jan 2003 News
Dec 2002 News
Nov 2002 News
Oct 2002 News
Sep 2002 News
July 2002 News
May 2002 News
April 2002 News
March 2002 News
Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News


WARARKA SOOMAALIDA OO GOOS GOOS AH !

 

1)Daacuun caruur ku dilay Muqdisho
Muqdisho,26th Nov.2002(BBC NEWS)

Shan caruur ah ayaa daacuun calooleed ugu dhimatay Muqdisho iyadoo boqolaal kale oo da'doodu ka hoosayso shan jir ay haatan isbitaalda Muqdiso u jiifaan.

Waxana lagu soo waramayaa in Isbitaallada magaalada Muqdisho ay haatan la buux dhaafaya carruur shubmaysa iyadoo dhibaataduni ay si weyn u soo shaac-baxday ilaa horraantii bishaan. Sida uu sheegay Wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka, Dr Cismaan Dufle, oo Insniintii guddoominayey shir ay isugu yimaadeen madaxda qaar ka mid ah isbitaallada Muqdisho iyo hay’adaha sida hay’adda caafimaadka adduunka ee marka magaceeda loo soo gaabsho WHO, waxa haatan lagu dhawaaqi karaa in uu jiro cudurka daacuun caloolaha.

Dr Cabdikariim Casayr oo ka tirsan hay’adda caafimaadka adduunka, xafiiskeeda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baaritaan ay iyagu sameeyeen ay ku ogaadeen in qaar ka mid ah shubanka hadda jira uu yahay cudurka daacuun caloolaha. Dr Casayr waxa uu faah-faahiyey in ay tijaabo saxaro ka qaadeen 22 carruur ah oo shubmaysa isla markaana ay lix ka mid ah noqdeen kuwa qaba cudurka daacuun caloolaha.

Tusaale ahaan, ilaa horraantii bishaan waxa uu isbitaalka Banaadir qaabilay in ka badan 160 carruur ah oo da’doodu ay ka yar tahay shan jir oo dhammaantoodna shubmaya, waxaana u geeriyootay xauunkaasi shan carruur ah. Isbitaalka Al-Xayaat ayaa isaguna la kulmay 289 carruur ah oo shubmaysa, kuwaasoo uu mid ka geeriyooday, iyadoo haatanna ay halkaasi ku sugan yihiin 70 carruur ah. Sidoo kale, isbitaalka xabeeb ayaa isaguna haya carruur ku dhow boqol kale.

Dr Casayr-ka hay’adda caafimaadka adduunke xafiiskeeda Muqdisho waxa uu sheegay in waddamada sida Soomaaliya oo kale ah 20 ilaa 30 tijaabo oo la qaado dad shubmaya muddo saddex toddobaad ah oo isku xigta oo dabadeedna tijaabooyinkaasi laga helo toddobaadkiiba ugu yaraan shan qof oo daacuun qabta in markaasi lagu dhawaaqi karo in uu dillaacay cudurka daacuunka caloolaha, halka waddamada qaarna xitaa hal tijaabo oo daacuun laga helo lagu dhawaaqayo in uu dillaacay cudurkaasi.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in sannadkan ay kulmeen shuban xilliyeedkii weligiisba waqtigaan oo kale dillaaci jiray xilliga roobabka iyo sidoo kale xilligii uu isaguna dillaaci jiray cudurka daacuun caloolaha. Cudurkan daacuunka ayaa ilaa sannadkii 1994-tii ahaa mid soo noq-noqda aakhirka sannadka kasta, iyadoo inta badanna ay dhkhaatiirtu u aaneeyaan ceelasha faraha badan oo kor u dhaafaya 800 ee magaalada Muqdisho biyaha laga cabbo oo ah kuwo inta badan gacan lagu qoday, kuwaasoo qoto-dheeri ahaan la heer ah musqulaha oo ay jeermisyadu uga soo gudbi karaan, sidaasi darteedna uu cudurkan yahay mid la socda amaba ka imaanaya xagga biyaha.

2)Dad Muqdisho lagu afduubay
Muqdisho,26/11/2002,Xasan Bariise-BBC

Waxa Isniintii Muqdisho lagu soo afjaray afduub lagu haystay hooyo iyo saddexdeeda caruur ah oo niman dablay ah ay ku haysteen Yaaqsheed, ka dib markii ay boolisku ay weerar ku qaadeen afduubayaasha.

Qafaalashada Madiina Xuseen Jimcaale iyo saddexdeeda carruur ah oo uu ku jiro wiil afar bilood oo keliya jira ayaa waxay ka dhacday inta u dhaxaysa degmada Balcad iyo Muqdisho mar hadda laga joogo lix maalmood, waxayna dableydu markiiba u kaxaysteen dadkaasi ay afduubteen guri ku yaallada degmada Kaaraan ka hor intii aanay dabadeed ula soo wareegin guri kale oo ku yaalla degmada Yaaqshiid meel aan ka fogeyn warshaddii hore ee baastada.

Afhayeenka ciidanka booliska dowladda KMG ah, Maxamed Yuusuf Cumar Maddaale, ayaa sheegay in ay boolisku ka war-heleen afduubkaasi oo ay ku soo wargeliyeen dadweynaha deegaankii lagu hayey hooyadaasi iyo carruurteeda. Labo oday oo dhex-dhexaadin iyo xaal mastuurin ugu tagtay soo sii deynta hooyadaasi iyo carruurteeda ayey dableydu sidoo kale ku biirsadeen intii u afduubnayd ee ay haysteen, taasoo tirada dadkii afduubnaa ka dhigtay lix ruux.

Lama yaqaanno sababta dhabta ah ee ay dableydaasi u qafaasheen hooyadaasi iyo carruurteeda, waxayse boolisku ka warheleen in dalabka dableydu uu ahaa in la siiyo madax furasho dhan US $ 4500, si loo sii daayo lixdaasi qof. Warku wuxuu intaasi ku daray in dableydu ay ku andacoonayeen in ninka qaba gabadha ay afduubteen walaalkiis uu ka qabay lacagtaasi ay dalbanayaan.

Si kasta ha ahaatee, gelinkii dambe ee Isniinta ayey ciidanka booliski go’aan ku gaareen in ay xoog ku soo furtaan dadkaasi afduuban, iyagoo goobta u diray in ka badan 60 nin oo aad u hubaysan, kuwaasoo weerar hubaysan ku qaaday gurigii lagu haystay dadkaasi afduubanaa. Dhallinyaradii afduubka wax ku haysatay oo aanan tiradooda la sheegin ayaa iyagana is difaacay oo rasaas ku jawaabayey ilaa laga xoog roonaaday.

Afhayeenka booliska, Maxamed Yuusuf Cumar Maddaale, waxa uu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen saddex ka mid ah dableydii wax afduubatay iyo labo qori oo Ak-47 ah. Waxay kaloo boolisku ka soo qaadeen dableydaasi telefoon mobile ah oo ay dadka ay afduubteen dadkooda kula xiriirinayeen iyo weliba hal rikoor oo ay codadka uga qabanaayeen carruurta si ay eheladooda u maqashiiyaan.

Intii uu socday weerarkaasi lagu qaaday dableydaasi wax afduubatay waxa uu dhaawac ka soo gaaray mid ka mid ah duqeydii dhex-dhexaadinta ugu tagtay ee lagu darsaday dadkii afduubnaa, kaasoo ay rasaastu ka haleeshay lug, waxaana hadda lagu daweynayaa isbitaalka booliska ee Maddiina, laakiin dhinaca ciidanka booliska, dableydii iyo intii kale ee afduubnayd midna wax kuma gaarin dagaalkaasi.

Saddexdii nin ee la soo qabtay ayuu afhayeenka boolisku sheegay in dhowaan loo gudbin doono maxkamad, waxaase hadda lagu hayaa xarunta dembi baarista. Afhayeenka boolisku wuxuu sheegay in ay sidoo kale hadda ku raadjoogaan ilaa saddex afduub oo kale oo ay warkooda hayaan, isagoo ka codsaday dadweynaha in ay booliska la soo socodsiiyaan goobaha ay ku maqlaan in dad lagu haysto, wuxuuna Maddaale uga digay dableyda caadeysatay qafaalashada dadka in ay cawaaqib xumi kala kulmi doonaan ficilkoodaasi oo aananna looga hari doonin.

3)Soonka iyo dumarka uurka leh ama nuujinaya
Axmed Kismayo,BBC - Muqdisho(26/11/2002)

Goorma ayay habboon tahay in haweenka uurka leh ama kuwa caruurta nuujinaya ay soomaan ama afuraan si aysan dhibaato u soo garin ilmaha ay caloosha ku sidaan ama ay nuujinayaan?

Dumar fara badan oo ku jira xilliyada uurka ama naas-nuujinta ayaa ka walwala dhibaatooyin ka soo gaara marka ay soomaan halka kuwo kala aysan dhegba u dhigin iyagoo ku adkaysta inay iska soomaan.

Waxa aan maqaal kan ku eegaynaa daraasad ay arinkan ka sameeyeen qaar ka mid ah jaamacadaha dalkaasi masaarida iyo khabiir Soomaaliyeed oo ku takhasusay cudurada carruurta oo isna arrintaas wax laga waydiyay.

Daraasaddan oo dhowaan ay sameeyeen jaamacadaha Azhar iyo alexenderiya ee dalka Masar waxay sheegaysaa in soonku uu saamaayn ku yeelan karayo ilmaha ku jira uurka hooyada oo ay dhibaato ka soo gaari karto, marka dhanka kale laga eegana waxa caadi ah in hooyada uurka leh ay si toos ah u gudan karto soonka iyadoo aan haba yaraatee la kulmin wax mushkilad ah.

Taasi waxay ku salaysan tahay marka si gaara loo eego xaaladda hooyo kasta ay ku sugan tahay ama u gaarka ah iyadoo la kala soocayo hooyada uurka leh ee caafimaadka qabta iyo marka ay jiraan xaalado kale oo taa ka duwan.

Baaritaanka jaamacadda Alexenderia waxa uu si gaar ah u xaqiijinayaa in xilliga uurka ay hooyadu soonka kaba helayso deganaan xagga nafsiga ah taas oo ay daraasaddu ku tilmaantay waxyaabaha ugu muhimsan marka la eego baahida hooyada uurka leh.

Arrintani waa marka loo eego hooyada uurka leh ee fayow ama xaaladdeedu ay caadiga tahay, haddiise ay hooyada uurka u wehliyaan xanuunno kale sida cudurka sokorta uuna aad u taabanayo xaaladeeda caafimaad waxa ay daraasaddu caddaynaysaa in hoyadu ayan suurtagal u noqonayn inay soonto.

Dr:Usaama Al-manuufi oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada haweenka iyo dhalmada una dhasay dalka masar ayaa sheegaya in canugga ku jira caloosha uu ku tiirsan yahay Gulucoska ku jirta dhiigga hooyada isla markaana la ogaaday in gulocoska ku jirta dhiigga hooyada marka ay uurka leedahay uu ka yar yahay midka ku jira dhiigeeda marka aanay uurka lahayn maaddaama uu canuggu isticmaalayo.

Haddaba haddii ay yaraato gulucoska ku jirta dhiigga hooyada uurka leh waxa uu dhakhtarkani tilmaamayaa in markaasi ay dhacayso in jirka hooyadu uu tamar ka dhaliyo maaddada dufanka ah ee jirkeeda ku sugan taasoo markaa dhibaato u keeni karta hooyada.

Arrintan waxay dhacdaa marka hooyadu ay isugu darsamaan uurka iyo soonka waxayna dhibteedu u badan tahay bilaha ugu dambeeya ee uurka waxana dhacda in ay dhibaato ka soo gaarto hooyada iyo ilmaha ay siddo labadaba, sidaa awgeed waxay daraasaddu ku talinaysaa in hooyadu aanay soomin bilaha dambe ee uurka.

Dr:C/laahi Faarax Casayr oo ah khabiir soomaliyeed oo ku takhasusay cudurrada carruurta kuna sugan Muqdisho ayaan isna wax ka waydiyay siyaabaha ugu habboon ee hooyada uurka leh iyo midda nuujinaysaa ay u maarayn karayaan xaaladaha ay ku jiraan marka ay damcaan inay soomaan si looga badbaado dhibaato ku timaadda ilmaha uurka ku jira iyo weliba cunugga ku jira xilliga nuugmada caanaha hooyada.

Dr:C/lahi waxa uu xusay in hooyada uurka leh ay marto saddex marxaladood oo marxalad kasta ay tahay saddex bilood oo isku xiga. Marxaladda koowad oo ah saddexda bilood ee u horeeya waxa uu sheegay Dr C/lahi in ay aad u hoosayso cunno qaadashada hooyada uurka taasoo hadddii ay soonto loo baqo hooyada lafteeda sidaa awgeedna ay haboon tahay inay afurto xilligan oo aysan soomin.


Hosted and Developed By The Web Technology

Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright © 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 


The Centre for Research & Dialogue (CRD)
-->