|
Waxaa
inoo suuragashay in aanu wareysi la yeelano C/r-axmaan Maxamuud
Jimcaale (Shifti) oo dhawaan Ciidamo isa-ga taabacsan & kuwo
taabacsan Muuse Suudi Yalaxow Deegaanka C/casiis ee Magaalada
Muqdisho uu dagaal ku dhex maray.
Su’aal:-
Faahfaahin inaga sii sida uu dagaalku u bilowday?
Jawaab.
Abaarihii 7:00-aroor-nimo ayaa waxaa la soo wee-raray mid
ka mid ah Gawaarida Tiknikada ee aan anigu lee-yahay kaasoo
shidaal qaadan-ayay, waxaana weerarkaas lagu dhaawacay Labo
ruux oo Ga-ariga saarnaa, Gaarigana waxaa qabsaday Maleeshiyo
ka amar qaadata Muuse Suudi, kadibna waxaa soo gurmaday Ciidamo
taageersan afkaarta Qarannim-ada & Dowladnimada, dagaal-kana
sidaa ayuu ku sii socday, halkaasna waxaa ka qarxay da-gaal
culus oo dadna ku dhin-teen, kuwo kalana ku dhaa-wacmeen,
ilaa haddana xaal-adda goobtaasi waa xaalad dagaal.
Su’aal:-
Ka waran khasaaraha dagaalku u geystay degaanka uu ka dhacay?
Jawaab.
Khasaare waa imaan-ayaa mar haddii meesha uu da-gaal ka dhacay,
mar haddii nabadda cirka isku shareertana khasaare waa lagama
maar-maan, dhimasho, dhaawac, bur-bur & wax walba ayaa ka
imaanaya meesha.
Su’aal.
Ma noo sheegi kartaa waxa uu ku salaysan yahay khilaafka idiin
dhexeeya adiga & Muuse Suudi?
Jawaab:-
Khilaafka noo dhex-eeyaa waa mid la xiriira arrin mabda’ ah
oo aan isu diidan nahay, mana aha arrin ay beel xalin karto
ama ay maamuli karto, anagu cid aan u aqoonsanahay in ay aaggaasi
ka taliso oo wakiil u ah dadka ma jirto, mar haddaan cidna
la wakiilan, dadku waa in iyagu ay doortaan ciddii wakiilka
u noqon lahayd ee maamuli lahayd, laakiin gawaari baan Ciidan
isla wada famil ah saaranayaa, oo aan leeyahay dadka canshuura
Xoolahana ka qaata, nidaamkaas waa mid burcadnimo ah, waana
wixii aanu shalay ka dagaalanay, haatana waan ka dagaalama-ynaa
waayo arrintaas waa arrin mabda’iyan ah oo ka laaban meyno,
cid kasta oo aan shacbigu wakiilan ee doonaysa in ay xoog
ku taliso ka yeeli meyno, sidoo kalana waan diidanahay cid
walba oo doo-naysa in ay xoog nagu qabsato, waana ka hortagaynaa,
arrintaas ayuu dagaalku ka bilowday wuuna socon doonaa.
Su’aal:-
Ma laga yaabaa in arrintani ay lug ku leedahay weerarkii kol
hore lagu qaaday Xarunta Hay’adda MSF (Spain) ee lagu qabsaday
Shaqaalihii ajnabiga ahaa, adiguna aad qaar ka mid ah shaqaalahaas
badbaadisay?
Jawaab:-
Wallaahi waxa lays-ku hayo waaba aragtidaas, in samafalka
la badbaadiyo, nabad la helo, horumar la sameeyo, nidaam &
Dowladnimo la helo ayaan anagu aaminsanahay waana ka horjeednaa
in la burburiyo hay’adaha samafalka, dadkana xoog wax looga
qaado arrinta dhacdayna middaas ayay lug ku leedahay oo salka
ku heysaa.
Su’aal:-
Maxaa ka jira in lagaa soo ceyriyey Fariisimadaadii?
Jawaab.
Aniga Fariisimadeydii lay-gama soo ceyrin, haddii aad xog-ogaalnimo
dooneyso tag aagga oo soo arag, anigu aageyga ayaan joogaa,
hadda ayaana ka imid, waana ku geyn karaa oo in Saxaafaddu
soo aragto diyaar baan u ahay. Muuse Suudi ha iga Tikniko
badnaado, laakiin marka la yiraahdo Famili ahaan igama Tikniko
badna, igamana taa-geero badna, waxa dirirayna waa taageerayaasheena,
meesha haddii aan taageero ku lahayna dadka ma aan badbaadiyeen,
mana aan joogi lahayn, marka haddii warar qalad ah la idiin
siiyey tafadal soo arka.
|