|
BY:
Dr. Omar Cabdilaziz (Khaleej Times),
Dubai, 24th December 2000.
Note:Text
was Translated in Somali from the original Arabic by Banadir.com
Wuxuu
Raiisul Wasaare Cali Khaliif Galaydh ku tirtirsiiyay wadamada
Carabta inay gacan ka geystaan hawlaha dib loogu dhisayo
Qaranka Soomaaliyeed ee burburay,isagoo isla markaana ugu
yeeray inay ka qaadaan xayiriddii ay ku soo rogeen xoolaha
Soomaaliyeed, oo ah kuwa caafimaad qaba , kana hufan cudurka
lagu sheegay ee Xumadda Waadiga (Rift Valley Fever ). Wuxuu
kaloo sheegay in xooluhu ahmiyad gooni ah u leeyihiin shacabkeena
waayo waa laf-dhabarka dhaqaalaha iyo tiirka nolosha dalka.
Mudane
Cali Khaliif oo hadlkiisii sii wata wuxuu yiri in muhimadda
koowaad ee Xukuumadda KMG ay tahay sidii hubka looga dhigi
lahaa maleeshiyooyinka oo tiradoodu dhan tahay ilaa iyo
Labaatan (20) kun ,taasi oo ku imaan karta diyaarinta barnaamijyo
lagu hawlgeliyo oo ay ku shaqeystaan , waxayna arrintaa
u baahan tahay adduun dhaqaale . Mar wax laga weydiiyay
hawlqabadkooda afartii bilood ee na soo dhaaftay,wuxuu xusay
dhismaha Golaha Wasiirada ,magacaabidda maamulka Gobolka
Banadir,hawlaha nabad-raadinta iyo xareynta ilaa iyo 6000
oo hore hubka u sitay.
Sidoo
kale, wuxuu Ra'iisul Wasaaruhu beeniyay wararkii ay wakaalada
sheegeen ee ahayd in la isku dayay in lagu dilo Garoonka
Bali-doogle markuu soo dhoofayay.Wuxuu kaloo tilmaamay in
siyaasadda dawladda KMG ah ay tahay in ay deris wanaag la
ahaato Ethiopia,inagoo tixgelinayno sidii Ethiopia u soo
dhoweysay shacabka markuu dalku burburay,taas ayeeyna ahayd
tii keentay inuu Madaxweyne Cabdiqaasim booqdo Adis-Ababa,si
loo sii wanaajiyo xiriirka labada dhan.Xiriir wacanna wuxuu
ku imaan karaa haday labada dhinac wax isla wadaan.
Wuxuu
kaloo Mudane Cali Khaliif xusay in dalalka Yemen iyo Liibiya
ay u soo direen dawladda KMG kaalmo yaroo degdeg ah,sida
matoorada Korontada,dharka iyo qalabka ciidanka booliiska,iwm,
iminkana walaalaha Carbeed looga baahan yahay inay kaalmo
wax ku ool ka geystaan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.
Sidoo
kale Qadar iyo Kuwait ayaa iyana na siiyay kaalmo teknika
ah. Isagoo ka hadlaya kaalinta ay ka filayaan Dalka Talyaaniga
inuu ka qaato dib-u-dhiska,wuxuu carabaabay Ra'iisul Wasaaraha
in mas'uuliyadda saaran Talyaaniga ay tahay sidii uu uga
soo heli lahaa wadamada reer Yurub ee ay bah-wadaagta yihiin
kaalmo dhaqaale,arrintaana ay ka haystaan ballanqaad.Waxaa
kaloo jira arrinta la xiriirta qashinka sunta ah ee lagu
duugay meelo ka mid ah dhulka Soomaaliya , oo loo aaneynayo
Shirkado Talyaani iyo kuwa kaleba,waxaana arrintaa ka bilowday
dabagal aan filayo in warbixin taam ah ka soo baxdo.
Isagoo
ka faa'iideysanayo fursaddan ayuu Mudane Cali Khaliif Galaydh
soo xusay kaalinta lama ilaawaanka ah ee Sheekh Zaayid had
iyo jeer kaga jiro taabagalka musaalaxada Soomaalia, iyadoo
mowqifkiisa yahay mid tixgelin mudan .
Waxaa
iyana taa barbar socday,anagoo og, dadaalka Madaxweyne Cali
Cabdalla Saalax ugu jiray sidii ummadda Soomaaliyeed loogu
heli lahaa maslaxad waarta,waana ku mahadsan yahay .
Ugu
danbeyntii,wuxuu Ra'iisul Wasaaruhu hadalkiisii ku soo gebegebeeyay
su'aal laga weydiiyay siduu u arko mowqifka Mareykanka iyo
Ingiriiska ee ku aaddan Dawladda KMG ,wuxuuna kaga jawaabay
in waxyaabihii ay nagu xireen ee ahayd IGAD ha idiin aqoonsato
, ay noo hirgashay .
|