|
1)CABDALLA DEEROW OO BOOQDAY CIRAAQ!
Dimishiq, 9th September 2002 (By Banadir.com)
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda KMG ah Cabdalla Deerow Isaaq iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa todobaadkii tagay booqday wadanka Ciraaq , iyagoo sida lagu soo waramay ka qaybgalay shirka Baarlamaanda Carabta oo lagu qabtay caasimadda Ciraaq ee Baqdaad . Waxaana lagu wadaa inuu Guddoomiye Cabdalla Deeroow iyo wefdigiisa booqasho todobaad ah ku yimaadaan dalka Imaaraadka Carabta dhowaan , iyagoo marti u ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Imaaraadka . Sida laga warqabo , Madaxaweynaha Dawladda kmg Cabdiqaasim Salaad iyo xukuumadii Ra’iisul Wasaairihii hore Cali Khaliif iyo waliba inta badan xubnaha Dawladda Xasan Abshirba waxay hore u booqdeen Imaaraadka .
2)XASAN ABSHIR OO JOOGA YEMAN!
Sanca,9th September 2002 (By Banadir.com)
Raiisul Wasaaraha Dawladda KMG ah Xasan Abshir Faarax ayaa booqasho gaaban iminka ku jooga magaalada Sanca ee dalka Yeman . Wuxuuna wadahadallo la xirrira guud ahaan nabadeynta dalka soomaaliyeed la yeelanayaa mas’uuliyiinta dalkaas, gaar ahaana daryeelka ay u baahan tahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ballaaran ee ku nool dalka Yeman , oo beryahan danbe kala kulmayay maciishadooda dhibaatooyin culculus . Waxaana lagu wadaa inuu Xasan Abshir u soo dhaafo dabayaaqada todobaadkan magaalada Muqdisho .
3-YUUSUF DHEEG OO KA SOO NOQONAYA QAAHIRA!
Qaahira, 9th September 2002 ( By Banadir.com)
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda KMG ah Yuusuf Xasan Ibraahim ( Dheeg) ayaa maanta soo galay magaalada Dubai ee Imaaraadka , kadib markii uu Qaahira kaga soo qaybgalay shirkii aan caadiga ahayn ee Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Jaamicadda Carabta ee la qabtay horaantii bishan September . Guddi ka kooban todoba (7) xubnood ayaa Jaamicadda Carabta u saartay arrinka Soomaaliya , iyagoo isla markaana isku waafaqay in la ayido qaranimada iyo midnimada Somalia . Waxay kaloo soo dhoweeyeen dadaalka Xukuumadda Kenya ugu jirto nabadeynta dalka Soomaaliya .
4)CULUSOOW OO KU SUGAN MANAAMA!
Manama (Bahrain) 9th September 2002 ( By Banadir.com)
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Mudane Maxamed M. Culusow ayaa ka qaybgalay shirka guddoomiyayaasha Bankiyada Dhexe ee wadama ku jira Jaamicadda Carabta oo lagu qabtay dorraad ( 7th September 2002 ) caasimadda Boqortooyada Baxreyn ee Manaama . Shirkaa oo sanadkiiba mar la qabto waxaa soo qaban qaabiyay qabashadiisa Sanduuqa Lacagta Carabta , waxaana sida la soo wariyay looga wadahadlay amuuro ku saabsan iskaashiga dhinacyada maaliyadda lyo lacagta ee dalalka xunaha ka ah Jaamacidda Carabta .
|