|
1)
Somaliya oo ka qaybgaleysa Shirka Wasiirada Dibedda ee Dalalka
Islaamka .....
Kuala
Lampur,1st April 2002 - Shirka maanta uga furmay caasimada
Malaysia ee Kuala Laumpur Wasiirada Arrimaha Dibedda ee in
ka badan konton Dawladood oo muslin ah oo looga hadlayay qeexidda
iyo la-dagaalanka argagxisada, ayaa waxaa Dawladda KMG ah
ee Soomaaliya uga qaybgalay wefdi uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha
Arrimaha Dibedda Abuukar Sheikh Yuusuf .
Waxaana
shirka oo uu furay Ra'iisul Wasaaraha Malaysia Mahatir Mohamed
uu eedeyn kulul u soo jeediyay Xukuumadda Israel hawlgalka
iyo weerarada gardarada ah ee ay ka wadaan dhulka daanta Galbeed
.
Waxayna
uga baaqeen Golaha Ammaanka inay ka qaadaan arrinkan tallaabooyin
looga gol leeyahay sidii loo joojin lahaa weeraradan , iyagoo
islamarkaana u muujiyay taageerada ay u hayaan maamulka iyo
shacabka reer falastiin u leeyihiin xaqooda .
2)
MAAMUL GOBOLEED LAGA DHISAY BAYDHABO !
Baydhaba,1st
April 2002, Waxaa magaalada Baydhaba looga dhawaaqay maanta
in laga dhisay maamul goboleed loogu magac daray Dawlad Goboleedka
Koonfur Galbeed Soomaalia, oo uu madax ka yahay Col. Xasan
Maxamed Nur (Shatiguduud ) muddo afar sano ah.
Waxaa
Maamulkan hoos imaanaya gobolada labada Jubba, Shabeelaha
Hoose, Baay iyo Bakool iyoGedo .
Wuxuuna
Maamulka yeelanayaa Madaxweyne, Laba Madaxweyne Ku-Xigeen
,19 Wasiir, 19 Wasiir Ku-xigeen iyo Baarlamaan ka koobnaan
doono 145 xubnood.. iyadoo ku dhawaaqidda Dawladdan ay ku
soo beegmi doono shirka dhawaan laga filayo inuu ka dhaco
Nairobi .
3)
DAD SOOMAALIYEED OO KU DHINTAY DOONI KU DEGTAY BADDA YEMAN
!
Sanca,1st
April 2002, Dad soomaaliyeed oo gaaraya in ka badan 90 qofood
ayaa ku geeriyooday todobaadkan badda Yeman , kadib markii
ay degtay dooni ay la socdeen oo ka soo shiraacatay magaalada
Boosaaso ee Waqooyi Bari Soomaaliya .
Waana
masiibaddii ugu xumeyd ee soo marta dadka sida is-biimeynta
ah u caadeystay inay ku soo safraan doonyaha yaryar ee xamuulka
loogu tala galay .
Waxaa
kaloo xusid mudan in dooni kale oo la socotay ta quustay ,
ay ka soo badbaaday masiibaddan .
4) XASAN ABSHIR OO IMAANAYA IMAARAADKA !
Mogadishu,1st
April 2002- Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaray magaalada
Muqdisho ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaraha Dawladda KMG
ah Xasan Abshir Faarax lagu wado inuu yimaado dalka Isutagga
Imaaraadka Carabta mustaqbalka dhow , waana booqashadii ugu
horreysay ee uu Xasan Abshir ku yimaado Imaaraadka tan iyo
markii loo magacaabay jagada Ra'iisul wasaaranimada muddo
laga joogo dhawr bilood .
Waxaa
xusid mudan inuu dhawr jeer booqasho ku yimid Imaaraadka intuu
ahaa Wasiirka Macdanta iyo Petroolka ee Dawladii Cali Khaliif
.
Waxay
kaloo wararku sheegayaan inay suuragal tahay inuu Xasan Abshir
sii booqdo Wadamada Malaysia iyo Indooniisiya , kuwaas oo
uu hadda ka hor booqday isla Ra'iisul Wasaarihii ka horreeyay
. .
|