Ra"iisalwasarae cali maxamed geedi oo markii ugu horaysay kahadlay heshiiskii ay gaareen Shariif saxan Iyo Col"C/llaaahi Yuusuf..

R"iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Somaliya prof Cali maxamaed Geedi xalay casho sharaf u sameeyay xubno ka tirsan labada gole ee jooga magaalada Jowhar iyo madarti shaeafkale.

Ra'isulwasaare Geedi oo xalay khudbad ka jeediyay xaflad casho sharaf ah oo uu u sameeyay xubnaha labada gole ee ku sugan magalada Jowhar ayaa ka hadlay heshiiskii khamiistii la soo dhaafay magaalada Cadan ee dalka Yemen ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka, isagoo sheegay in uu ahaa heshiiskaan mid lagu soo afmeerayay is qab qansigii dowladda Federaalka Somaliya.

Heshiiskii ay wadagaareen Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Gudoomiye Shariif Xasan ku gaareen magaalada Cadan ayaa waxa uu ra"iisal wasaare cali maxamed geedi ku tel maamay mid shacabka somaliyeed u keenayao hormar iyo nabad ku wada noolaansho.

Ra"iisal wasarae geedi ayaa waxa uu sidookale oo kahadlay Abaaraha kajira gobalad koofurta somliya.isagoo sheegay in gudigaasi ay la shaqeyn doonaan hay'adaha samafalka ee qaramada midoobay oo soo magacaabi doono.

Mr'Geedi ayaa dhankale waxa uu han balyo udiray umada soomaaliiye meelkasta ay joogaan. sagoo in taas ku daray in ay ciidaan barakeysan oowged ay is cafiyaan ayana gacmaha is wada qabsadaan.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Shariif Xasan Sahiikh Aadan ayaa dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay ganacsato Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Shariif Xasan Sahiikh Aadan ayaa dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay ganacsato Soomaaliyeed, isagoo kala hadlay sidii ganacsatada Soomaalidu u maal galin lahayd dibu dhiska iyo dib u heshiisiinta dalka gaar ahaan mirihii ka soo baxay shirkii Kenya iyo weliba in ay teegeeraan heshiiska Cadan ku dhexmaray madaxweyne Yuusuf iyo Shariif Xasan.

Kulankan oo ay ganacsatada iyo guddoomiyuhu ku jeex jeexeen qaabka ugu haboon ee ganacsatadu u taageeri karto qabsoomida kulanka dhawaan baarlamaanku yeelanayo iyo in meesha laga saaro labada garab ee dowladda oo laga dhigo hal garab ayaa la isla soo dhaweeyey arrimaha inta badan.

Guddoomiye Shariif Xasan ayaa la sheegay in uu Dubai uga ambabaxayo dalka Kenya magaalada Nayroobi si uu halkaas uga raadsho dhaqaalo baarlamaanka Soomaalida dib mar kale boorka looga jafo.

Ra'iisal wasaare Geedi oo laga Codsaday in uu si dag dag ah ku tago Gobalada Galgaduud

Wasiiro ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah iyo waxgarad kala duwan ayaa shalay Jowhar raisul wasaaraha ku meel gaarka ah Cali Maxamed Geedi kulan ay la yeesheen u soo jeediyey in si deg deg ah loo soo afjaro colaadaha micna darada ah ee ka jira dalka gaar ahaan kuwa ka socda Gobolada dhexe.

Wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka wasaarada horumarinta reer miyiga iyo daaqa qaranka, Dr Maxamed Maxamuud Guuled (Gacma Dheere) wasiirka macdanta iyo biyaha Maxamuud Salaad Nuure iyo xubno kale ayaa raisul wasaraha kala hadlay sidii si deg deg ah loogu joogin lahaa colaadaha Goboalda Dhexe ee Soomaaliya isla markaana loogu diri lahaa gudi heer wasiir ah.

C/llaahi Axmed Diiriye "Boore. Muqdisho Somaliya