|
Mogadishu,3th
March. 2002 By balcad.com
DOWLDA
JABUUTI IYO HOGAAMIYE CISMAAN CAATO OO IS KU AFGARTAY IN LA
KORDHIYO BARLAMANKA
Wararka
ka imanayo dalka jabuuti ayaa sheegaya in ay isku afgarteen
hogaamiyaha USC SNA Cisman hasan cali caato iyo mas,uuliyiinta
dowlada jabuuti in la kordhiyo xubnaha baarlamaanka dowlada
kumeel gaarka ah oo sidiisaba lagu soo dhisay dalka jabuuti
.
Cisman
caato ayaa isagu kamid ahaa hogaamiyayaashii dowlada kmg da
kula saxiixday heshiis magaalada nakuuro ee dalka kenya ,kadibna
ka biyo diiday markey ka soo bixi waayeen heshiisyadey wada
galeen .
Arintan
ayaan lagarankarin sidey wax uga qabandoonto xukuumada tabarta
daran ee uu hogaanka u hayo dr cabdi qaasim salaad xasan.
DOWLADDA
KMG AH OO LIIBIYA KA DALBATAY LACAG U HARSANEYD ( Cabashooyin
la xiriira sidii loo maamulay lacagtii hore oo loo gudbiyay
Safaaradda liibiya ).
Wasiirka
Arimaha Dibadda ee Dowladda KMG ah Yuusuf Ibraahim ( Dheeg
) ayaa sii qaaday fariin uu Madaxweyne C/qaasim kaga dalbanayo
Dowladda Liibiya in ay u soo dhiibto lacag uga harsanayd oo
uu hishiiskoodii hore ahaa in qayb qayb loo siiyo Dowladda
KMG ah .
Wararku
waxay sheegayaan in lacagtaas lagu shubi doono xisaab uga
furan Dowladda KMG ah Bangi ku yaala Imaaraadka Carabta oo
aan Cash ahaan loo soo qaadi doonin sidii uu horay u yeelay
Madaxweyne C/qaasim .
Dhanka
kalena waxaa jira warar sheegaya cabashooyin ku saabsan sidii
loo maamulay kharashkii hore oo loo gudbiyay Safaaradii liibiya
ee Muqdisho taas oo la sheegay in lagu muujiyay in aaneey
wax muuqda ku bixin kharashkii hore, isla markaane ay jiraan
in aan Ciidamada Mushaharkoodii wali aan la wada siinin marka
laga reebo ilaalada C/qaasim u gaarka ah taasoo ilaa iyo hadda
ay buuq ka taagantahay .
Mar ay la soo xiriireen balcad.com Ciidamada Qalabka sida
ee ku Xaraysan Dugsiga sare ee Janaraal daauud waxa ay inoo
sheegeen in aysan wali wax Lacag ah ka qaadan Dowladda KMG
ah, balse eey halkaasi ku sugayaan Howlgalka la filaayo in
ay Ciidamada Maraykanku ka fuliyaan Soomaaliya. Waxaa laga
warhayaa in Abaanduulihii Ciidamadda Qalabka sida Jan: Ismaaciil
Qaasim Naaji uu ka Carooday Howlaha Ciidamadda ka dib Markii
C/qaasim uu diiday in uu Bixiyo Mushaarooyinkii .Ciidamadda
.
MAAMULKA
CUSUB EE PUNTLAND OO AAD U SALUUGAY LACAG AY U DIRTAY DOWLADDA
KMG AH.
Sida aanu ka soo xiganay Masuuliyiinta Maamulka cusub ee puntland
waxa ay aad u Saluugeen lacag ay Dowladda KMG ah u dirtay
Maamulka Cusub ee Puntland Jaamac Cali Jaamac ee Fadhigiisu
yahay Magaalladda Boosaaso .
Lacagta
ay dowladda KMG ah u dirtay Maamulka Jaamac Cali Jaamac oo
dhan $ 40.000 ( Afartan Kun oo Doolar kaliya ) oo Taageero
ahaan loo siiyey Maamulka Cusub ee fadhigiisu yahay Boosaaso
.
Masuul
ka tirsan Jaamac Cali Jaamac oo diiday in magaciisa la shaaciyo
ayaa balcad.com u sheegay in ay Dowladda ku meel gaarka ah
ka filaayeen Lacag gaareeysa $ 200.000 kun ( Labo boqolku
doolar oo kalya ) oo uu yiri Markii hore waxaa nalaga balan
qaaday lacagtaas iyada ah balantaasne waa inooga baxday Dowladda
KMG ah ,.
Lacagtaas
waxaa wakiil uga ahaa Dowladda KMG ah oo geeyay Boosaaso C/rixmaan
Ibbi maalmo yar ka hor intii aan lagu dhawaaqin Golaha Wasiirada
ee Xukuumadda Xasan Abshr Faarax .
Ma
aha markii ugu horeeysay ay Taageero Lacageed siiso Dowladda
KMG ahi Maamulka Jaamac Cali Jaamac , hore ayay waxay u siiyeen
Taageero Dhaqaale iyo Saanad Milatari intaba .
MADAXWEYNE
C/QAASIM IYO RAI,ISULWASAARE XASAN ABSHIR OO SI KALA GOONI
AH U CANBAAREEYAY DOWLADDA ITOOBIYA .
Mar
uu la hadlaayay Madaxweyne C/qaasim Golaha Baarlamaanka ayuu
yiri "Geed hoose iyo Geed sare waxaan u fuulnay in aan Xukuumadda
Milasanaawi aan fahamsiiyo darisnimo wanaaga , hase yeeshee
Itoobiya waxa ay maraysaa in diinta islaamka iyo Dugsiyada
Quraanka ay Argagixiso ku tilmaanto .
Dowladda
Itoobiyana hore ayaa looga waayay in ay ka waanttoowdo in
ay faraha kala baxdo arimaha soomaaliya waxa ay dooneeysaa
in ay Soomaaliya kala googooyso oo ay ka dhigto Soomaali Land
, puntland ,Banaadirland, Jubaland iyo wax la mid ah .
Dalka
waxa uu ku jiraa xaalad qatar ah sidaa daraadeed waa in loo
soo jeestaa sidii dalka looga difaaci lahaa Cadawga Gudaha
iyo dibadda uu dhibaato fara ba"an ku haya dalka".
Dhanka
kalena waxaa sidaa iyo si la mid ah u weeraray dowladda Itoobiya
Xasan Abshir Faarax oo sheegay in ay dowladda Itoobiya waligeed
diidanayd Soomaali in ay Dowlad noqoto.
|