Rotating Banner


Web Hosting
Main Page
Banadir Star
Latest News
BBC Somali


Books
  

Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room


Topic of the week
Djibouti Conference


Search BBC News

 


 

 

Mogadishu,2th March. 2002 By Banadir.com

XUBNAHA GOLAHA SRRC EE KU SHIRSAN ITOOBIYA IN AY QAADICI DOONAAN SHIRKA DAMBE EE LAGU WADO INUU KA DHACO DALKA KENYA .

Wararka ka imaanaya Magaalladda Adisabeba ee Dalka Itoobiya oo ay ku sii qulqulayaan Golaha SRRC, ayaa Sheegaya in Xubnahaas ay shaaca ka qaadeen in ay Qaaadici doonaan Shirka Dambe ee la filaayo In uu ka dhaco Magaalladda Nairoobi ee Dalka Kenya.

Dhinaca kale Danjiraha u Fadhiya Dowladda Itoobiya Q/midoobay Dr, C/majiid Xaaji Xuseen ayaa isagu sheegay in Dowladdiisu ay ku dadaali doonto sidii ay uga dhaadhicin lahayd Golaha SRRC, in ay Shirkaa, ka qeeyb galan, hadiise ay suurtagal noqon weydo inagu cid aan Khasab ku leenahay majirto .

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO WAFDI UU HOGAAMINAAYO OO U AMBABAXAY DALKA LIIBIYA.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda KMG ah Md, Daahir Max'ed Sheekh (Dayax) iyo wafdi uu Hogaaminaaayo ayaa shalay ka dhoofay Magaallada Muqdisho iyagoo sii maraayey Dalalka Jabuuti iyo Immaaraadka Carabta, kadibna Uga sii gudbayey Dalka Liibiya.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Hogaaminaayo waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Dheeg, iyo Wasiiru Dowlaha Boostadda iyo Isgaarsiinta ee Dowladda KMG ah, Max'ud Max'ed Xayd waxaana la sheegay in Safarkoodu la xiriiro Martiqaad ay ka heleen Dowladda Liibiya .

COL. C/LLAHI YUUSUF AXMED OO MAGAALLADDA GAROOWE SHIR KULA YEESHAY SAFIIRKA MAREYKANKA EE ARRIMAHA SOOMAALIYA GLENN WARIN.

Col. C/llahi Yuusuf Axmed oo weli sheegta madaxweyne Goboleedka Puntland ee Goboladda Woqooyi Barri ayaa shir kula yeeshay Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland Safiirka Mareykanka ee Arrimaha Soomaaliya Fadhigiisuna yahay Dalka Kenya mr, Glenn Warin iyo wafdi uu Hogaaminaayo. wararku waxa ay sheegayaan in aan la Ogeeyn waxa ay ka wada hadleen labada dhinac hase yeeshee, ay jirto in ay isla soo qaadeen Xaaladda Siyaaso ee Arrimaha Soomaaliya iyo halka ay mareeyso Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

KALFADHIGGA AFARAAD EE GOLAHA BAARLAMAANKA OO IN MUDO AH QABSOOMI WAAYEY AYAA MAANTA KA FURMAYA DUGSIGGA SARE EE BOLIISKA.

waxaa maanta lagu wadaa in uu furmo kalfadhigii Afaraad ee madasha Golaha Baarlamaanka KMG ah, oo maal mahii lasoo dhaafay sedax jeer baaqday kadib markii ay soo xaadiri waayeen Tiradii loo baahnaa, oo aheeyd 164, Xildhibaan oo ah 2/3 Xubnaha Golaha Baarlamaanka waxaana dib u dhacii ugu dambeeyey ka soo qeeyb galay Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan oo waji gabax kala kulmay Qabsoomid la'aanta Kalfadhigga Afaraad oo uu Madaxweynuhu doonayey in uu Xildhibaanada ku Booriyo dedejinta kalsooni siinta Xukuumadda Cusub.

kulanka maanta ayaa la sheegay in uu Xaas xaasi yahay oo Xildhibaankii ka baaqda la weeydiin doono sababta kaliftay in Xildhibaanku uu ka soo xaadiri waayo Madasha Shirka Cudur-daar la'aan waxaana laga yaabaa, in ay ciqaab muteystaan laakiin aan la sheegin nooca ciqaabta waayo fadhiyadii hore tan iyo markii Carta laga soo laabtay waxaa jira xildhibaano aan Fadhiyada ka soo qeeyb gelin waxaana lagu qoro liis gaar ah iyadoo weliba digniin la siiyey in Golaha laga saari doono hadii aysan wax ka bedelin hab dhaqankooda. Sidoo kale waxay Xildhibaanadu ka cabanayaan Dhaqaale la'aan soo wajahday taas ayaa sabab u ah ayaa la leeyahay Qabsoomid la'aanta Kalfadhigga Afraad ee Golaha Baarlamaanka waxaana laga cabsi qabaa in uu Markii Afraad dib u dhaco.

Kulanka Maanta waxaa lagu wadaa in uu ka soo qeeyb galo Wasiirka Koowaad ee Dowladda KMG ah, Md, Xasan Abshir Faarax oo Kal sooni uga Raadinaaya Xukuumadiisa aan weli la dhameeystirin.

waxaa kale oo xusid mudan in uu Safar ku maqan yahay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka KMG ah, Md, C/lla Deerow Isaaq oo haatan Booqanaaya Dalka Liibaya iyadoo ay warar goor hore soo baxay ay sheegayaan in ay xurgufi u dhaxeeyso Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan Murankaas oo ka dhashay Safarka C/lla Deerow ee Liibiya oo uu Madaxweynuhu isku dayey in joojiyo inta uu Qabsoomaayo Kalfadhigga Afraad ee maanta loo fadhiyo.

MID KAMIDA XUBNIHII SARE EE KOOXDA XUSEEN CEYDIID OO KAMID NOQDAY DOWLADDA XASAN ABSHIR

Mid ka mida xubnihii ugu muhiimsanaa kooxda Xuseen Ceydiid ayaa aqbalay jago Wasiirnimo oo dhowaan looga magacaabay dowladda KMG ah ee uu soo dhisay Ra'iisal Wasaare Xasan Abshir.

C/Kariin Axmed Cali oo ahaa xubin firfircoon oo ka mida SNA-dii Xuseen Ceydiid isla markaana muddo dheer la soo shaqeynayay Jan. Ceydiid ayaa aqbalay inuu ka mid noqdo dowladda Xasan Abshir isagoo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Baarlamaanka.

C/Kariin Axmed Cali ayaa horay uga qeyb gelin dhaartii loo sameeyay xafladii lagu qabtay xarunta Madaxtooyada C/qaasim, iyadoo loo qaatay inuu saluugsan yahay jagada loo magacaabay, laakiin dhowr maalmood kaddib ayaa lagu guuleystay inay taasi dhacdo, waxaana maalintii Khamiistii isaga iyo xubno kale lagu dhaariyay xaflad ka dhacday xarunta C/qaasim Salaad.

 


Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 



Previous News

Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News