|
War cad oo uu xalay soo saaray Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Cali Maxamed Geeddi waxa uu sheegay in dhammaan maleeshiyaadka ku sugan magaalada Muqdisho hubkooda la isugu geeyo xeryaha Hiilweyne iyo Laanta Buur, isagoo arrintaas u soo xilsaaray dhammaan odayaasha iyo waxgaradka G/Banaadir ilaa ay ka soo gaarayso dowladda waqti aanu cayumin.
Warkan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa saxaafadda u akhriyay C/raxmaan Diinaari oo ah afhayeenka dowladda federalka, wuxuuna intaa raaciyay in Ra’iisul wasaaraya arrintaasi iyo sugida ammaanka si ay u noqoto mid xasiloon mas’uuliyadeeda inta ay dowladda ka soo gaarayso sida ugu dhaqsiyaha badan waxaa loo xilsaaray odayaasha, culumaa’udiinka, siyaasiyiinta, waxgaradka, dumarka, ururrada bulshada dhammaan inta mas’uul ah inay howsha gutaan.
Diinaari oo mar wax laga weydiiyay waxa ay kala socdaan Muqdisho ee ka socda ayaa sheegay in ay helayaan warar kala duwan oo yiri “Waxaan helnay in dhallinyarada qaarkood ay hubkoodii la soo baxeen, qaarkood Maxaakiimtiina ay u kala baxeen qabaa’ilada kala duwan, hubkiina ay qabiil waliba reerkoodii ay la wareegeen oo si kala gooni gooni ah ay u kala baxeen” wuxuuna xusay afhayeenka markey intaas deristay in ay qaadatay go’aanka warkan si aysan u dhicin dhibaato iyo dhiig dambe oo data.
Diinaari oo weriye ka mid ah weriyaasha Baydhabo ku sugan uu weydiiyay in warka ah in Maxaakiimta aysan ku dhawaaqin in hubka ay qabaa’ilo ku kala wareejiyeen in uu dhinac yahay ayuu ku jawaabay “Waa xaqiiqo in howshaas ay ka socoto Muqdisho, hubkii ka soo xarooday gobollada iyo hubkii horey ugu jiray caasimada ayaa la kala qeybsaday”.
Dhinaca kale mas’uuliyiinta sar sare ee Maxaakiimta Islaamiga ayaa shir jaraa’id oo ay xalay ku qabteen xaruntooda Muqdisho waxay ku baaqeen in la ilaaliyo ammaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo ku xusay baaqoodaas in ciddii lagu helo iyadoo qas ama fowdo ka wado gudaha Muqdisho ay horkeeni doonaan sharciya isla markaana ay ku qaadi doonaan shareecada Islaamka.
War-saxaafadeed ay soo saareen xalay Golahii Maxkamadaha ee Muqdisho
Qodobada uu ka koobnaa war-saxaafadeedka waxaa saxaafadda ka hor akhriyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Fulinta Maxaakiimta Sheekh C/raxmaan Janaqow oo yiri “War-saxaafadeedkan oo aanu ku soo aadinay xaalada halista ah ee uu dalku marayo maanta”.
“Tan iyo intii ay Maxaakiimtu Islaamku ay dalka ka hana qaadeen, waxay ummada u qabteen waxyaabo fara badan oo wanaag ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, garsoorka, horumarinta dalka, tayenta siyaasadda gudaha iyo dibadda, furida dekadda iyo garoonka diyaaradaha caalamiga IWM” ayuu yiri Janoqow oo intaas sii raaciyay “Waxaa dalka ku soo duulay quwado shisheeye oo isu kaashaday burburinta diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidaas darteed Golaha Maxaakiimta Islaamiga waxay arkaan waqtigan xaadirka ah si uusan uga dhicin magaalada caasimada ah, bur bur dagaal, dhiig badan uu ku daato”.
Qodobadda ay soo saareen Maxaakiimta
1- Waxaa waajib muqadas ah in la ilaaliyo mabaa’dida, jiritaanka iyo midnimada Ummada Soomaaliyeed.
2- Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed waxay ogol yihiin in ummada Soomaaliyeed ay aayaheeda ka tashato una diyaar garoowdo sidii xilkaas ula wareegi lahayd.
3- Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin ama ay go’aamiyeen inaan loo ogoleyn wadanka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Caasimada Muqdisho wax fowdo iyo qas ah, ciddii lagu helana waxaa la hor keeni doonaa sharciga iyadoo laga qaadayo tallaabada ku habboon oo waafaqsan sharciga Islaamka ah.
4- Ciidamada Maxkamaduhu waxay mas’uul ka yihiin amniga iyo xasiloonida caasimada ee magaalada Muqdisho iyo
5- Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqeynaa ciidamada Maxkamaha Islaamiga ah Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan in amniga magaalada gacanta ku qabtaan, ayna ku diyaar garoobaan meelaha loo cayumay oo ay mas’uuliyiintoodu u tilmaameen sida: saldhigyada Booliiska iyo xarumaha la midka ah ee amniga laga sugo.
War-saxaafadeedkan ayaa ku soo beegmay xilli ay xaalada dalka Soomaaliya ay mareyso meel khatar ah, kaddib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo taageeraya dowladda KMG ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta fariisamadii ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Golaha Maxaakiimta.
Dowladda KMG oo sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay soo galaynin gudaha Muqdisho
Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay geli doonin gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida uu magaalada Addis-Ababa uga dhawaaqay safiirka Soomaaliya C/kariim Faarax Laqanyo.
“Ciidamada Itoobiya ma geli doonaan caasimada Muqdisho, laakiin wey go’doomin doonaan” ayuu yiri Mr. Laqanyo oo sii raaciyay in markaas la sugayo inta ay isa dhiibayaan ciidamada Maxkamadaha oo hubkooda wareejinayaan.
Warar kala duwan oo ku saabsan in ay ciidamada Itoobiya ay geli doonaan Muqdisho ayaa ka soo baxay qaar ka mid mas’uuliyiinta dowladda KMG oo sheegay in ay qaban doonaan magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Geeddi ayaa shaaca ka qaaday in uusan dagaal ka dhici doonin caasimada Muqdisho, laakiin ma sheegin in ay geli doonaan ciidamada iyo in kale, waxaana Muqdisho laf ahaanteeda ka socda dhaqdhaqaaqyo muujinayo amni xumo.
SNA oo la wareegtay xaruntii hore ee Villa Soomaaliya
Isbahaysigii hore ee SNA ee uu gudoomiyaha u yahay Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid ahna Wasiirka Arrimaha Guddaha ee dowladda federalka ayaa maleeshiyooyin taabacsan isaga ay saakay la wareegeen xaruntii Villa Soomaaliya oo ay horey kala wareegeen ciidamada Maxaakiimta Islaamiga.
Maleeshiyooyin aad u hubeysan oo wata qoryaha noocyadooda kala duwan ayaa lagu arkayay agagaarka iyo gudaha xarunta Villa Soomaaliya, iyadoo bililiqo loo geystay baqaaro ku keydsanaa raashiin iyo shidaal oo ay horey u geeyeen halkaasi maamulkii hore ee Maxaakiimta Islaamiga ee laga soo saaray goobihii ay horey u qabsadeen.
Xaruntan Villa Soomaaliya ayaa meel ka fogeyn waxaa ku yaala Idaacaddda Radiyow Muqdisho oo ay maxaakiimta ula baxeen magaca ah codka Ummada Soomaaliyeed, waxaana intaba la wareegay maleeshiyooyinka Xuseen Ceydiid oo si aad ah u hubeysnaa.
Dekadda oo ay la wareegeen maleeshiyooyinka Xildhibaan Furux
Magaalada Muqdisho oo uu ku yimid isbeddel xawli ayaa waxaa xeran illihii dhaqaalaha sida dekadda weyn ee Muqdisho, garoonka diyaaradaha iyo dhammaan goobaha ganacsiga kaddib markii ay isa soo tareen ammaan xumo baahsan.
Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa dib ula wareegay maleeshiyooyin taabacsan Xildhibaan Furux, waxaana lagu wadaa inuu saacadaha soo socda la hadlo saxaafadda si uu caddeeyo dib ula wareegida dekadda Muqdisho oo uu isagu horey gacanta ugu heyn jiray.
Dhinaca kale magaalada Muqdisho ayaa weli qas iyo fowdo ka taagan yihiin, waxayna dadku is weydiinayaan xilliga ay dowladdu soo gaari doonto magaalada Muqdisho iyadoo dhararsan imaanshaha dowladda.
Xaruntii Maxkamadaha ee Hoteel Ramadaan oo saakay ka socoto bililiqo baahsan
Xaruntii hore ee ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa saakay waa dhowaadkii la kowsatay bililiqo iyo rasaas xoog badan oo ilaa iyo iminka ka socota daafaha iyo xarunta gudaheeda.
Qalalaasahan iyo boobka ka dhacay xaruntaas oo horey u ahayd halka keliya ee Maxkamaduhu isugu tagaan ayaa waxay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen dad fara badan oo bililiqo doon ah, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo gebi ahaanba la qaatay wixii alaabta ee halkaas maxkamadaha u yiilay sida baabuurta, rasaas, shidaal iyo raashin intaba.
Waxaa muuqanaya in magaalada Muqdisho ay gashay wado nabadgelyo la’aan ah, waxaana meel walba la wareegayo maleeshiyooyinkii horey u taabacsanaan jiray hoggaamiye kooxeedyadii hore, waxayna qaarkood ku doodayaan in ay hubkooda ku wareejin doonaan haddii ay Muqdisho timaado dowladda federalka KMG.
|