Hoggaamiyaha Liibiya oo qaabilay Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya

31 March 2005 - banadir.com

Hogaamiyaha Jamaahiiriyadda Liibiya
Macamaral Khadaafi ayaa xalayxarunta uu deggan yahay
ee Magaaladda Triplo ku qaabilay Wafdigii uu
Hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane
cabdullaahi Yuusuf Axmed,uuna ka mid ahaa raiisul
Wasaaraha Xukuumadda Fderaalka Prof Cali Maxamed Geedi
iyo ku-Xigeenadiisa Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa si diiran uu usoo
dhaweeyay Hogaamiye Khadaafi,waxay kulankaasi iskula
soo qadeen qoddobo muhiim ah oo saameeya dhinacayada
Siyaasadda,Dhaqaalaha,Amaanka iyo sidii ay isaga
kaashan lahaayeen dhinacayadaax soo saarka
Beeraha,Xoolaha iyo Kallumeysiga.

1-Dowladda Soomaaliyeed waxay Dowladda Jamaahiiriyadda
Liibiya weydiisatay inay gacan ku siiso dib u guurida
Dowladda iyo sidii ay dalka gudihiisa ugu noqon laheyd

2-inay gacan ka geysato qorshayaasha dib loogu soo
celinaayo Amniga dalka,gaar ahaan Tababarida Ciidanka
Booliska iyo xareynta Maleeshiyaadka iyo sidii
Mehnaddo Shaqo loogu abuuri lahaa.
3-Bixinta kharshayada ay Dowladduku howlgaleyso ee
wajiga hore iyo Imkaaniyaadka ay Dowladdu ku shaqeyn
laheyd.
4-In dalka Liibiya uu Olole u galo sidii dalalka
Jaamacadda Carabta iyo kuwa Qaaradda Afrika ay gacan
uga geysan lahaayeen dib u dhiska Dalkan Soomaaliya.
5-In Shirikadaha Dalka Liibiya ay maalgashi ugu
sameyn lahaayeen dalka Soomaaliya,islamarkaana ay door
wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen Mashaariicda dib
loogu dhisaayo Soomaaliya.
Kulankaasi oo qaatay muddo saacad iyo bar ah waxa uu
kadib Hoggaamiyaha Jamaahiiriyadda Liibiya uu Sootryo
Casha Sharaf ah u sameeyay Wafdiga Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya.

RAIISAL WASAARE KU XUGEEN XUSEEN CAYDIID OO LA KULMAY ...

Raiisul Wasaare ku-xigeenka Dowladda
Federaalka KMG ee Soomaaliya ahna Wasiirka Arrimaha
Gudaha Mudane Inj.Xuseen Maxamed Faarax ceydiid ayaa
kulan muhiim ah kula yeeshay Dhigiisa ee Dalka
Jamaahiiriyadda Libiya Al sayid Nasar Mabruk
Abdallah,xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee
Magaaladda Tripoli.


Kulankaasi dhinaca Dowladda Soomaaliyeed waxaa uga
qeybgalay La-taliyaha Raiisul wasaaraha Mudane
Cabdulqaadir Hassan Yabarow,Danjiraha Jaamacadda
Carabta u fadhiya danjire cabdullahi Xasan
Maxamed,Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Liibiya Maxamed
Xussein Ilkadahab,halka ay dhinaca Liibiya u fadhiyeen
Wasiir ku-xigeenka iyo Taliyaha Ciidanka
Booliska,waxaa si weyn loogu lafaguray sidii ay
Liibiya gacan ugu siin laheyd dhinaca Tababaradda iyo
maamulka ee Ciidanka Booliska.


Labada Wasiir Mudane Inj Xuseen ceydiid iyo Alsayid
Nasar Mabruk ugu qaadaa dhigeen in Liibiya ay Qubaro
iyo wafuud qiimeysa baahida dhinaca Nabadeynta
Soomaaliya loogu soo diri lahaa Dalka.
Waxay kaloo kulankasi kaga wadda hadleen sidii ay
isaga kaashan lahaayeen joojinta dadka ku tahriibaya
Badda dalka Liibiya ee doonaya inay gaaraan Yurub.
Mudane Inj Xuseen Ceydiid wuxuu Wasiir Arrimaha Gudaha
ee Liibiya uu uga mahdceliyay sii deyntii dadkii laga
soo qababtay Badda iyo saxraha ee laga sii daayay
Xabsiyadda Dalkaasi,isagoo weydiistay in inta hartay
laga sii daayo xabiyadda dalkaasi.


Sidoo kale Ra'isul wasare ku-xigeenka wuxuu kulan
kaasi la mid ah uu la yeeshay Madaxa Jamciyadda Al
Dacwa ee Islaamka Caalamka Dr.Mahamed Shariif.
Labada Masuul kaga wadda hadleen baahida loo qabo inay
xiriir Iskaashi iyo wada-shaqeeneed ay yeeshaan
Hay'adda Dacwa iyo Wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee
Soomaaliya.


inj Xuseen Ceydiid wuxuu gaarsiiyay Dr.Maxamed Shariif
Salaan uu uga siday Wasirka Diinta iyo awqaafta Mudane
Cumar Maxamed Maxamud Filish,isagoo xusay in
Soomaaliya ay baahi weyn u qabto Dhismooyinka
Masaajido,Dugsiyo lagu barto Cilmiga Diinta iyo
culuunta Caadiga ah,faahfaahinta arrintaasi uu soo
diyaarin doono Wasiirka Howshaasi u xil-saaran ee
mudane Cumar Filish.
Madaxa Hay'adda Dacwa Al Islaam waxay kulankaasi ka
caddeeyay in Hay'adiisa ay Diyaar u tahay inay caawiso
Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Dowladda
Federaalka,isagoo kulankasi ka balanqaaday in uu
martiqaad rasmi ah u fidin doono Wasiirka arrimaha
diinta iyo awqaafta si ay si weyn isula sii gorfeeyaan
arrimahasi.

WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA EE J. SOMALIYA DANJIRE CABDULLAHI ..

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Soomaaliya Mudane Danjire Cabdullahi Shekh Ismaaciil ayaa maanta la kulmay Xoghayaha guud ee ururka Saaxil
iyo Saxraha oo loo yaqaano siin saad Al sayid Maxamed Madani Alashari.


Danjire cabdulaahi waxay Madani isla soo qaadeen sidii
ururka Saaxil iyo saxraha uu gacan uga geysan lahaa
sidii dalalka xubnaha ka ah ururkaasi ay u taageeri
lahaayeen dowladda Federaalka ee Soomaaliya.


Xoghayaha guud e ururka Saaxil iyo saxraha axa uu
Wasiirka u balannqaaday inay u howgali doonaan inay
qabanqaabiyaan Shirar taageero loogu fidinayo Dowladda Soomaaliyeed.