XILDHIBAANADA
BEESHA MAREEXAAN UGU JIRO BARLAMAANKA KMG OO BEENIYAY IN
ITOOBIYA SOO GASHAY BELED XAAWO.
Xildhibaanada
beesha Mareexan ugu jira Golaha Baarlamaanka KMG ayaa beeniyay
in Itoobiya soo weerartay gudaha Soomaaliya isla markaana
qabsatay magaalad Beled-Xaawo.
Hilowle Aadan oo la hadlayay saxaafada ayaa yiri "Xasan
Abshir Faarax markii uu moorgan qabsanayay Kismaayo wuxuu
lahaa wax Itoobiyaan ah oo la socday Moorgan majiraan, hadana
wuxuu la taagan yahay Itoobiya ayaa qabstay gobolka Gedo,
taasina waa been aan sal iyo raad toona lahayn" Dhanka kale
shir ay isugu yimaadeen SNFta gacan saarka la leh SRRCda
Degmada Baardheere oo ay ka soo qaygaleen odayaal dhaqameed
yada beesha ayaa waxaa odayaasha lagu wareejiyay Col. Cabdirisaaq
Isaaq Biixi, ayadoo Col .Cabdirisaaq horay loo sheegay in
la dilay.
SARKAAL
U HADLAY KOOXDA XUSEEN CEYDIID OO DIGNIIN U JEEDIYAY GEN.
NAAJI
Sarkaal
sare oo u hadlay garabka hubeysan ee ururka USC/SNA ee uu
hogaamiyo Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa xalay digniin u soo
jeediyay Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji oo ah abaan duulaha
ciidamada Dowladda KMG ah. Sarkaal kaas ayaa ku hanjabay
in ay talaabo adag ka qaadi doonaan Gen. Naaji oo uu ku
tilmaamay in uu yahay nin Xamar u jooga inuu dagaalo sokeeye
ka huriyo.
" Dulqaadkii aan u heynay Naaji waa naga idlaaday, waxana
ku wargelineynaa eheladiisa gudaha iyo dibadda dalka ku
sugan in ay naga kaxeystaan, haddii kale waxa uu noqon doonaa
kuwa ka hoos maray carada" ayuu yiri sarkaalkaas oo intaas
sii raaciyay in Gen. Naaji magaciisa runta ahi uu yahay
Ismaaciil Seef Naaji Al-Dacows.
Gen.
Naaji ayaa doraad u sheegay Ciidamada Xooga Dalka in haddii
Wasiirka Gaashaandhiga ee DKMG ah amar ku siiyo in ay Itoobiya
ka difacaaan dalka ay ka horeyso in ay mar ay talaabo ka
qaadaan wax uu ugu yeeray daba dhilifyada amxaarada ee Xamar
Jooga.
XARUNTA ISMAACIIL JIMCAALE EE XUQUUQDA AADAMANAHA OO
WARSAXAAFADEED CABASHO AH SOO SAARTAY.
Xarunta
Dr. Ismaciil Jimcaale ee Xuquuqul Aadanaha ayaa cambaareyn
dusha uga tuuray dhamaan kooxaha ka dambeeyay falalka argagixisada
ee maamahan si isdaba joog ah ugu soo badanaya magaalada
Muqdisho, falalkaasoo isugu jira Dil, Kufsi iyo Afduud ku
macneysan qaab ganacsi.
Xaruntu
waxa ay sheegtay in ay ka codsaneyso waxgaradka iyo hogaamiya
dhaqameedyada aay ka soo jeedaan maleeshiyad uu u afduubanyahay
dhibane Prof. Maxamed Cali Abuukar inay xil iska saaraan
sidii si sharuud la'aan ah loogu sii deeyn lahaa, ayadoo
sheegtay in aay ogaadaan kuwa xadgudbaya inloo diiwaan gelin
doono xadgudubyadooda isla markaana la horkeenayo sharciga
waqti aan fogeeyn, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaasi oo
ay ku saxiixnayd marwo Maryan Xuseen Awreeye.
XASAN
ABSHIR " Xiriir naga dhexeeya itoobiya ma jiro" Ra'iisul
Wasaaraha dowladda KMG ah oo shalay u waramayay Idaacada
IQK ayaa sheegay in aysan wax aqabad ah ku noqon karin labadii
wasiir ee dhawaan iska casilay golihiisa wasiirada.
"Shirkasta
oo dib u heshiisiin ah haba ugu horeeyo kan lagu qabanaayo
Nairobi waan ka qeeybgeleynaa, laakin shir Itoobiyo ku jirto
ayaa dhabar-jab ku ah shacbiga Soomaaliyeed" ayuu yiri Xasan
Abshir Faarax, xiriir naga dhexeeya anaga iyo Itoobiyo ma
jiro, waayo heshiiskii aan soo galnay ayada ayaa bur burisay
ayuu sii raaciyay hadalkisa Ra'iisul wasaare Xasan Abshir.
DOWLADDA KENYA OO LAGU EEDEYAY IN AY SI XUN ULADHAQANTO
QAXOOTIGA SOOMAALIYEED.
Hay'adda
dooda xuquuqda aadanaha ee dalka Kenya aya si weeyn ugu
dhaleeceysay dowladda Kenya in ay si xun ula dhaqanto qaxootiga
Soomaaliyeed ee dhawaan ka soo barakacay Buula-Xaawo dagaaladii
ka dhacay oo ay iskaga hor yimaadeen maliishiyooyin kala
taageersan SRRC iyo Dowladda KMG ah.
Xaqootigaasi
ayaa Hay'addu sheegtay in ay macluul ugu dhinteen 8-caruur
ah o ku jiray xerada Mandheera kana mid ah qaxootiga Soomaaliyeed
ayadoo Dowladda Kenya aay xaqootigaasi u isticmaashay sameecada
ay ugu caga jugleyneyso qaxootiga oo ay ku lahayd ku noqdda
wadankiina haddii kale waa la idin qabqabanayaa.