Rotating Banner

Web Hosting
Main Page
Latest News
BBC Somali 1800

BBC Somali 1600

Topic of the week
Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room

Djibouti Conference



M.M.Afrah's Books
  

0rder M. M. Afrah's book
THE SOMALI TRAGEDY
THE GANG RAPE OF A NATION. Mr. Afrah is a skillful writer and innovative storyteller. CLICK HERE FOR THE REVIEWS AND HOW TO ORDER THE BOOK.


Search BBC News

 


Previous News

Sep-Oct 2004 News
Aug 2004 News
July 2004 News
June 2004 News
May 2004 News
April 2004 News
Mar. 2004 News
Feb. 2004 News
Jan. 2004 News
Dec. 2003 News
Nov. 2003 News
Oct. 2003 News
Oct. 2003 News
Sep. 2003 News
Aug. 2003 News
July 2003 News
June 2003 News
May 2003 News
April 2003 News
March 2003 News
Feb 2003 News
Jan 2003 News
Dec 2002 News
Nov 2002 News
Oct 2002 News
Sep 2002 News
July 2002 News
May 2002 News
April 2002 News
March 2002 News
Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News


WARAR SOOMAALIYEED !

 

1)Qabanqaabada shirka Eldoret oo meel sare maraysa!
Nairobi,12ka Oktoobar 2002
By Mohamed Addow - BBC

Qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la filayo in uu Talaadada ka furmo magaalada Eldoret ayaa meel sare maraya iyadoo la sheegaya in u soo daadgureynta wufuudda madasha shirka oo bilaaban lahayd shalay ay dib ugu dhacday maalinta beri ah.

Sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah xubnaha Guddiga qabanqaabada shirka hawsha soo daadgureynta wufuudda shirka ayaa dib loo dhigay ka dib markii ay wufuudda codsadeen waqti dheeraad ah oo ay ku qeybsadaan qeybta loo gartay .

Kooxaha codsaday in waqti dheeraad ah la siiyo ayaa waxaa ka m id ah Dowladda Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya sida la ii sheegay. Madasha shirka oo ah Hoteelka Sirikwa ee Magaalada Eldoret ayaa waxaa ku sugan qaar ka mid xubnaha Guddiga Qabanqaabada iyo saraakiisha wasaaradda arimaha dibadda ee Kenya oo iyagu ku howlan diyaarinta dhammaan waxyaabaha looga baahn doono goobtaasi.

Shirka ayaa la filayaa in si rasmi ah uu u furo maalinta Talaadada ah Madaxweynaha Kenya Daniel Arap Moi waxaana la filayaa in ay ka soo qeyb galaan madaxda waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka Igad.

Waxaa la filayaa in ay ka soo qeybgalaan xafladda furitaanka rasmiga ah ee shirkani, Madaxweynaha waddanka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi, Madaxweynaha Waddanka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweynaha waddanka Eritrea Isaiyas Afeworki iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Shirka Eldoret ayaa u muuqdo in si ka duwan kuwii hore Soomaalida loogu qaban jiray ay u daneynayso Beesha Caalamka iyadoo islamarkaana taageera maaliyadeed ka geysatay qabashada shirka.

Balse qabanqaabada shirka iyo wufuud qonddeynta Guddiga uu arintani u xilsaaray ururka igad ayaa waxaa ku gacan seyray qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Madax siyaasadeed iyo hogaamiye dhaqameeydayada Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo oo BBC-da la soo xiriiray ayaa sheegay in ay qaaddacayaan shirka islamarkaana wax wufuud ah oo ka socoto aynan ka soo qeyb galeynin.

Hogaamiye Dhaqameedyada Gobolada Jubooyinka ee kala ah Suldaan Cabdi Cali Sonkor, Ugaas Maxamud Qorane, Ugaas Ibraahim Cali Diiriye, Ugaas Ibraahim Aadan Geeddi, ugaas Maxamed Ugaas Nageeye iyo Ugaas Maxamed Xasan Shongolow oo Afmadow jooga ayaa sheegay in qabanqaabiyayaasha shirkani aynan tixgelinin beelaha ay hogaamiyeen.

Dhinaca Gedo ayaa hogaamiyayaasha Ururka SNF-SRRC ay sheegeen iyaguna ay heleen qeyb aanan u qalmin oo sidaasi darteed aysan ka soo qeybgaleynin shirka.
Guddoomiyaha Ururkaasi Maxamuud Seyyid Aadan iyo Guddoomiyaha Degmada Beled Xaawo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ka cawday Guddiga Farsamada ee Igad oo ay sheegeen in horena uusan soo marin deegaanadooda si uu xoga oga qaado, qybinmta wufuudda si weyn oga eexday.
Mar aan la xiriiray Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada shirkani Mr Elijah Mwangale islamarkaana ah ergeyga gaarka ah ee Kenya u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa uu ii sheegay in wufuudda ka soo qeyb galeysa shirka aan lagu qeybibin hab beel balse 200 oo xubnood lagu qeybiyay hab kooxeed iyaga oo ilaa 100 xubnood oo kalena laga soo casuumay bulshada rayidka ah.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la sheegayaa in guddiga qabanqaabada shirka ay go'antahay inaan shirka dib loo dhigin oo si rasmi ah loo furo maalinta Talaadada ah.

2)xafiiska duullimaadyada rayidka iyo saadaasha hawada
Mogadishu,12ka Oktoobar 2002

Waxaa maalintii shalay albaabbada loo furay xafiiskii maamulka Duullimaadyada Rayidka iyo Saadaasha Hawada, halkaasoo ay xaflad ballaaran oo lagu qabtay xaruntan cusub ka qeybgaleen masuuliyiin fara badan oo ka tirsan labada gole ee dowladda KMG ah.

Hay’adda Duullimaadyada Rayidka iyo Saadaasha Hawada ayaa ra’iisal wasaaraha dowladda KMG ah, Xasan Abshir Faarax uu xarigga ka jaray markii ugu horreysay muddo toddoba sano ah, iyadoo xafiiska oo ay dib u soo nooleysay Qaramada Midoobay xilligii UNOSOM uu magaalada Nairobi u guuray markii ay ciidamadii beesha caalamku ka tageen Muqdisho sannadkii 1995.

Hay’addan oo hoos timaadda Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa haatan uu xafiiskeedu ku yaallaa dabaqa sare ee dhismo dheer oo ku yaalla waddada Soddonka oo ay leedahay shirkadda dayuuradaha ee Jubba.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Cabdi Guuleed Maxamed, ayaa warbixin faah-faahsan ka bixiyey dhibaatada ay ka soo mareen dib u hawlgelinta xafiiskan, isagoo sheegay in welina ay jiraan dhibaatooyin u baahan xallin.

Xafiiska cusb ee hay’addan waxaa yaalla raadiyeyaal badan oo injineerradii joogay ay noo sharaxeen sida ay u shaqeeyaan iyo awooddooda, waxayna annagoo la joogna tusaale noogu sameeyeen xiriir ay la yeesheen jasiiradda Seychelles iyagoo isu sheegaya in ay yihiin towerkii kantaroolka hawada ee Muqdisho.

Hase yeeshee waxaa markiiba ku soo booday raadiye kale oo yaalla magaalada Nairobi oo beeninaya warkooda, taasoo aad looga dareemay in ay xafiiskan haysato dhibaato la mid ah midda dadka gobannimodoonka ah haysata, waayo waxaa sida uu noo sheegay wasiirka Cabdi Guuleed weli magaca Muqdisho ku shaqeysta xafiiskaasi Nairobi ka furan oo ay beri hore Qaramada Midoobay ansixisay, haddase sida uu sheegay wasiirka isu rogay xafiis boob ku dhisan oo aan oggolayn in ay hawshii towerkii Muqdisho soo noolaato oo lagu soo wareejiyo gacanta dowladda KMG ah.

Cabdi Guuleed oo faah-faahinaya arrimaha xafiiskaasi magaca Muqdisho ku shaqeeya ee Nairobi ku yaalla ayaa sheegay in markii hore loo aasaasay in ay ka sii shaqeeyaan xirfadleyaashii Soomaaliyeed ee ka shaqeyn jiray kantaroolka hawada, iyo in uu difaaco xuquuqda hawada Soomaaliyeed, iyo in dhaqaalaha ka soo baxa oo uu sannadkiiba ku sheegay saddex milyan oo dollarka Mareykanka ah meel loo dhigo ummadda Soomaaliyeed dabadeedna marka la arko dowlad Soomaaliyeed lagu soo wareejiyo gacanteeda, waxana uu Cabdi Guuleed sheegay in xasiiskaasi uu intaas oo dhanba ku guul darreystay waayo wuxuu sheegay in shaqaalihii Soomaaliyeed laga ceyriyey, dhaqaalaha halkaasi ka soo baxa iyo guud ahaanba qalabka ay ku shaqeeyaanna ay diiddan yihiin in ay ku soo wareejiyaan gacanta ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiskani Duullimaadyada Rayidka ee hadda la furay waxa uu hadda awoodaa in uu xiriiriyo garoomada dalka gudihiisa ah iyo dayuuradaha hawada Soomaaliyeed dul maraya laakiin waxaa ka maqan hay’addii kale ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo marka ay diyaarad xad-gudub ahi timaaddo cagaha dhulka u soo dhigi jiray dayuuraddaasi si loo abaal mariyo, xagga dhaqaalahana waxaa weli muuqata in xafiiskaasi Nairobi ay duullimaadyada caalamiga ah weli kala xaajoonayaan hawada Soomaaliyeed, taasoo ay iyadana dacwaddeedu socoto sida uu noo sheegay wasiirka.

Xafladdaasi oo qurux badnayd waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Dheeg, mudaneyaal baarlamaanka ka tirsan iyo wasiirro kale, waxaana heeso baraarujin ah iyo ruwaayad gaaban halkaasi ka dhigay qaar ka mid ah hobollada Waaberi.


Hosted and Developed By The Web Technology

Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright © 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 


The Centre for Research & Dialogue (CRD)
-->