War Saxaafadeed ku saabsan qaraxii Bamka oo ka soo baxay xafiiska ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee KMG

4 May - War ka soo baxay xafiiska ra'iisul
Wasaaraha Dowladda Federaalka ee KMG ayaa daboolka ka
qaaday in Qaraxii Bam ee shalay ka dhacay Garoonka
Stadiyum Muqdisho aanu aheyn mid isaga loogu talagalay
ee uu ahaa mid si kadis ah uga baxsaday Ciidamadii
Maleeshiyaadka ahaa ee joogay garoonkaasi.

Warku wuxuu intaa ku daray in aanay jirin Wararka ay
qaar ka mid ah Warbaahinta ay fidiyeen oo sheegayay in
falkaasi uu ahaa mid isku day ah.

Warkaasi ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul wasaaraha
wuxuu intaa raaciyay in kadib markii la xaqiijiyay
Dadkii ku geeriyooday Qaraxaasi in tiradoodu dhan
tahay 8 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 28 qof, oo 6 qof
oo ka mid ah dadkaasi ay qabaan Dhaawacyo culus, halka
ay tobaneeyo kalana isaga baxeen Cusbitaaladii la
dhigay.

Afhayeenka Dowladda
Cabdiraxmaan Diinaari

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka
KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi oo
soo booqday Dadkii shalay ku dhaawacmay Qaraxii


May 4. Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka
KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta
soo booqday Dadkii shalay ku dhaawacmay Qaraxii bam ee
ka dahacay garoonka weyn ee Istaadiyo Muqdisho.

Raiisul Wasaare Geedi, waxa uu tagay Cusbitaalada
Medina,iyo Hayaat, wuxuuna ku soo wareegay qeybihii la
dhigay Dadkaasi Dhaawaca ah, isagoo ugu duceeyay
dhaawacaasi in uu Alle Bogsiiyo, wuxuuna sidoo kale uu
Tacsi u diray Dhamaan dadkii Geeriyooday.

Raiisul Wasaaraha wuxuu intii uu marayay
Cusbitaaladasi uu warbixino la xiriira sidii wax loogu
qabtay Bukaankaasi uu kaga dhageystay Agaasimayaasha
Cusbitaalada Medina iyo Hayaat Dr.Shiikhdoon Salaad
Cilmi,Dr.Maxamed Maxamud oo caddeeyay in Dadkii
Dhaawacmay shalayto aanay u baahneyn in Dibadda loo
qaado oo ay iyagu ku filan yihiin.

Mudane Geedi waxauu Dhaqaatiirta Cusbitaaladaasi ku
amaanay dadaalka wax ku oolka ah ee ay u fidiyeen
Walaalahood, isagoo halkaasi ka fidiyay Balanqaad la
xiriira in Dowladu ay gacan balaaran sii doonto
Cusbitaaladasi,wuxuu isla maanta ugu deeqay Bukaanada
Cusbitaaladaasi in Min 2 Neef oo Geel ah loo qalo
Bukaanada ku jira Halkaasi.

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Mudane Prof
Cali Maxamed Geedi wuxuu kaloo kormeer Howleed ku
tagay Cusbitaalka iyo xarunta Caruurta ee SOS ee
Magaaladan Muqdisho wuxuuna ku soo wareegay qeybaha ay
ka kooban tahay isagoo u kuurgalay Howlaha Caafimad ee
halkaasi ka socdo, wuxuuna kula dardaarmay Dhaqaatirta
iyo Shaqaalaha Cusbitaalkaasi inay sii labanlaabaan
Waxqabadkood.
Mudane Geedi oo kormerkiisa uu ku wehliyay Wasiir
ku-Xigeenka Caafimaadka Dr.Cusmaan Maxamed Dufle oo
warbixin ku siinaayay Raiisul Wasaaraha ayaa u sheegay
inay u baahan yihiin Cusbitaalada Dowlad wax u qabata.