|
Abu Dhabi,9/4/2006(Banadir.com)
Booqasho rasmi ah oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdullahi Sh. Ismaaciil ku yimid Imaaraadka arbacadii dhoweyd(5/4/2006), uuna kula kulmay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Maxamed Xuseen Al-Shacaali,ayaa soo gebe-gebowday shalay oo Sabti ahayd.
Wada hadalo ku dhexmaray Xaruunta Wasaaradda Dibedda Imaaraadka wefdiga Wasiirka Soomaalida hogaaminayay iyo Wasiiru dawlaha dalka, ayaa ku dhamaaday is-afgarad buuxa. Dhamaan qodabadii la isla soo qaaday oo dhamaantood salka ku hayay, in Imaaraadku taakuleyn u fidiyo dawladda kmg, gargaar bani'aadanimo oo degdeg ahna la gaarsiiyo shacabka abaartu wax yeelaysay ayaa lagu heshiiyay in la meel mariyo .
Wuxuu kaloo Cabdullahi Sheikh ku codsaday booqashadiisa in madaxda Imaaraadku u fidiso casuumad mideysan hogaanka sare ee dawladda kmg ah Soomaaliya, taasna waa laga aqbalay, inkastoo aan la carabaabin goorta ay ku aaddan tahay booqashada Madaxweynaha,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha oo wada jira, ay ku imaan doonaan magaaladan Abu Dhabi.
Wada hadalada rasmiga ah ee uu Cabdullahi Sheikh la yeeshay madaxda Imaaraadka ka sokow, wuxuu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaalida fursad wacan u helay inuu siiyo wareysiyo kala duwan jaraa'idka ka soo baxa Imaaraadka. Majalada Al-Mar'a oo todobaadla ah ayuu siiyay wareysi qoto dheer.
Wareysi muhiim ah oo ku soo baxay jimcihii dhoweyd (7/4/2006) jariidada Al-Itixaad oo ah wargeyska rasmiga ah ee dalka Imaaraadka maalin walba ka soo baxa, ayuu Cabdullahi Sheikh Ismaaciil ku caddeeyay inay lagama maarmaan tahay in si amniga iyo kala danbeynta loo soo celiyo, in loo guntado sidoo looga dhigi lahaa marka hore hubka maleeshiyaadka,tallaabadaasne ay ku imaan karto dacmiga carabta iyo beesha caalamka.
Sidoo kale Maqaal dheer oo qaatay gebi ahaanba bog dhan, ayaa shalay oo sabti ahayd (8/4/2006) ku soo baxay jariidada AL-Akbaar Al-Carab, kaas oo Wasiirku ku faahfaahiyay inta uu la eg yahay dhibka haysta dalka Soomaalida, marxaldihii la soo maray iyo waajibka saaran dawladda kmg ah iyo taakuleynta ay u baahan tahay.
Mudane Cabdullahi Sheikh wuxuu kaloo kula kulmay, sharaxaadne ka siiyay wadciga soomaaliya, danjirayaasha dawladaha khaliijka ee fadhiya magaala madaxda Imaaraadka ee Abu Dhabi. Wefdiga Wasiirka waxay ka soo duulaan isla shalay magaalada Dubai, iyagoo soo aaday xaruunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa .
Wefdiga Wasiirku hogaaminayay, oo uu ka mid ahaa:-
1) Saciid Maxamuud Jaamac,
2) Cabdulqaadir Xaaji Sheikhey Maxamed Xaatimi, iyo
3) Muuse Xuseen Cabdi, waxaa si diirran ugu soo sagootiyay Imaaraadka Danjiraha Soomaaliyeed Xuseen Bullaale iyo La-Taliyaha Safaaradda Soomaalida ku leedahay magaalada Abu Dhabi Xuseen Maxamuud Maxamed iyo madax sare oo ka socotay hab-maamuuska Dawladda Imaaraadka.
|