|
Abu Dhabi,30th
September 2001
Wafdigii
uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda KMG
ah Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buba) oo xalay ka soo dagay magaalada
Abu Dhabi ayaa galabta waxaa ku qaabilay qasrigiisa Wasiiru
Dawlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka Sheikh Xamdaan Bin Zaayid
Al-Nahyan.
Wafdigaa
oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Sayid Sheikh Axmed
Daahir waxay in muddo ah booqasho ku joogeen Boqortooyada
Sacuudiga, iyagoo dadaal ugu jiray sidii adduun dhaqaale loogu
heli lahaa Dawladda KMG ah oo iminka sanad jirsatay,wax badanna
aan u qabsoomin.
Booqashadanna
waa tii labaad ee uu ku yimid Buba Imaaraadka, iyadoo ay jirtay
inay hore u yimaadeen Imaaraadka isla sanadkan Madaxweynaha
Dawladda KMG ah Cabdiqaassim Salaad iyo Wasiirkiisa Madaxtooyada
qaabilsan Xuseen Saalax.
Marka
laga reebo mucaawanada dhanka bani'aadinimada oo ay Dawaladda
Imaaraadka u sii marsiiso dalka Somalia Hay'addeeda Samafalka
ee Bisha Cas sida dhismayaalka masaajidada, qodista ceelasha
biyaha ,gargaarka caafimaadka iyo ka-taakuleynta shacabka
dhanka waxbarshada, adduun dhaqaale oo la sheegi karo Imaaraadku
ma siin Dawladda KMG ah , waana taa ta keentay inay si joogto
isaga daba yimaadaan wufuudda Dawladda KMG ah .
|