WAA BENAADIR.COM - WAA BAYJKA UGU WACAN


W.Qoray Q. MUSE

WEBYAHAY BENAADIRI
WAXAAD TAHAY BOGGI AY
SOOMALIDU U BAAHNEEYD
XIISANA KU BOOQDAAN

BILAASH XEYTAYSSHIYO
BOGAGGA QABIILADA
REER REER U KALA BAXA
BAYJKIINNU MUU NOQON

WAXAAD TIHIIN BADWEYN IYO
DURDURADA IS BOOSHOO
XAWLI SOO BURQANAYIYO
BIYA DHACA NIAGAREE

DAYNILLE IYO PUNTILAN
BEEN SHEEGTA HIIRAAN
IYO BAALAL IIDDOOR
MIDNA BIID MA KEENAAN

IDINKAA KU CAAN BAXAY
BRESSKA IYO QUBANAHA
IYO BREAKIN NEWSKIYO
WARARKAAN KA BOGANNEE

BALLAN WAXAAN KU QAAADEY
DHIQLAHA IYO BOODADA
INAN IDINKA BUUFSHA
KANEECADA BAKHTIIYAA

BASAASKAN HILLAACIYO
RAAGAHA BUGTADA QABA
IYO KUWAAN BOGSOONKARIN
INAN IDINKA BOORAA

KUBEERTO MAR SOO BAXA
OO BOOYNKA UU RIDO
ISAGOONAN BUUQAYN
MACAHA KU BIIRSHEE

BAALKIINNU WAA DAHAB
BAAHIDA AKHBAARTANA
WAA LAGA BOGTAAYOO
WAA BENAADIR.COM

WAA BARTA AKHYAARTIYO
BUUGAAGTA UGU WEYNU
BORFESOORKI AFRAX UU
UGU BAAQO DUNIDEE

WA INOO BISHAAREE
WAA BEYDKA UGU WACAN
WAA BENAADIR.COM
OO MIDAB BULLUGA LEH

BERDAYARAHA JAAMKA LEH
IYO BADHARKA SIXINTOO
BREAD LAGU CADDEEYOO
LAGU BROWNEY TOASTEE

SOO BADIYA KHABARKO
BUSH IYO CIRAAQIYO
QABUURIHII LA BOOBOO
XERTU AY LASOO BAXDEY

BAARLAMAANKA JIIFIYO
BREYMINISTAR GEEDDIYO
MADAXWEYNE BAARIDEY
OO XAMAR KA BAQAYAA

BADHIWALAHA IIDDOOR
EE CALANKA BEENTA AH
BOOLAAMINAAYOO
EEN CIDINA U BAXAYN

INTAASOO BAYAAN LOO
IYO QAAR KALOO BADAN
LAGA HELAA BOGGIINEE
WAA BENAADIR.COM


W.Qoray Q. MUSE