|
DR. XUSEEN CALI AXMED OO KA HADLAY UJEEDADA URURKA DHAQDHAQAAQA NABADDA .
Dr Xuseen Cali Axmed oo ka jawaabayay Su,aal aheyd Aas,Aaska Ururka aad Gudoomiyaha ka tahay miyaan lagu tilmaami karin mid qabiil gaar ah salka ku hayo? ayaa yiri haa Maxaa yeelay waxaa nala haboonatay inaan wax walbaa hoos ka soo biloowno maadaama uu dadkii iska noqday kuwo qabiilka eegto laakiin ma ahan micnaha inaan halkaas taagnaano ee Somaliweyn ayaan ugu yeereynaa inay ka qeeyb qaataan Nabada ayuu yiri Dr Xuseen Cali Axmed oo ka mid ah siyaasiyiinta fara ku tiriska ah ee sanadaha badan ololaha ugu jiray Nabad ku dabaalida dalka Somaliya gaar ahaan gobolka banaadir oo uu ka mid yahay siyaasiyiinta Mas,uuliyada ka saaran tahay Nabad ku soo dabaalida
Dr Xuseen Cali Axmed oo markii ugu dambeyay xilka duq Magaalada Muqdisho ka soo qabty dowladii KMG aheyd ee Waqtigeeda dhamaaday ayaan weeydiinay sababaha ay u burburtay Dowladii Carte iyadoon wax la taaban karo oo guul ah ka soo hooyn hadafkii laga sugayay?Dr Xuseen ayaa sheegay inay taas sabab u aheyd labo waxyaabood oo uu ku tilmaamay siyaasad Xumo kala deristay gudaha iyo dibadda ,maadaama hogaankii dowladda uusan xil iska saarin wax ka qabashada Arrimaha Gudaha ,beesha caalamkana ay indhaha ka laabatay inay garab qabato dowladda oo ay hore u dhaqaajiso ayuu yiri Dr,ka oo Mahad celin balaaran u diray Shacabka iyo Madaxweynaha Jabuuti Mudane Cusmanciil Cumar geele oo uu ku tilmaamay geesi u istaagay in Somaliya dowlad yeelato balse la hagraday Ugu Dambeeyn Gudoomiyaha
dhaqdhaqaaqa Nabada waxaan weeydiinay sidee Somaliya dowlad uga dhalan
kartaa oo uga hoowlgeli kartaa fikir ahaan?waxaa uu kaga jawaabay iyadoo
qabiiladda is cafiyaan oo ogaadaan dhibka dowlad la,an ledahay iyo inay
si Nabadgelyo ah hubka u dhigaan intaas waxaa sii dheer ayuu raacsiiyay
beesha Caalamka oo dadaalka ay shirka ku bixisay oo kale u fidiso dowladii
halkaan looga dhawaaqo. |