|
Nairobi, 7th March 2003,
By Banadir.com
Iyadoo labadii mas”uul ee hogaaminayay ergada Dawladda KMG ah uga qayb galayay shirka nabadeynta Soomaalida oo kala ah Ra”iisul Wasaare Xasan Abshir Faarax iyo Guddoomiye Cabdalla Deerow Isaaq ay labaduba ka maqan yihiin madasha shirka , kuna kala sugan yihiin dalalka Imaaraadka iyo Suuriya, ayaa waxaa shalay laba u kala jabay wefdigii Dawladda KMG ah ee ku haray magaalada Nairobi .
Sida dhabtu tahayne , iyadoo awalba uu geedi socodka shirku ahaa mid iska liita oo hogaamiyayaal badani ayanba goobjoog ahayn, qaar kalena ay dhowaan ka dareereen, ayaa dhacdadani ku timid ergada Dawladda KMG ah ay noqon kartaa xabaashii aasi lahayd shirweynaha nabad raadinta Soomaalida.
Wasiirka Ganacsiga ee Dawladda KMG ah Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) oo hogaaminaya dhinaca goostay inay ka qayb galaan shirka ayaa ku eedeeyay garabka kale inay la yimaadeen codsiyo aan macquul ahayn oo keeni kara gebi ahaanba fashilaadda shirka , waxaana codsiyadaas ka mid ah :-
1) In guddoonka shirka laga saaro xubnaha IGAD ee Jabuuti iyo Ethiopia ,
2) In maamulka shirka loo daayo Soomaalida ,
3) In muddo toban maalmood looga soo jawaabo shuruudaha ay doonayaan, iwl.
Wuxuu Cabdiraxmaan Diinaari ku caddeeyay hadalkiisa in maslaxadda ummadda Soomaaliyeed ay ku jirta in shirkani uu noqdo mid lagu guuleysto oo ummaddu ku hesho dawlad sal ballaaran oo la isaga raali yahay , dhibaatada dagaaladana joogtada ahna looga baxo .
Dhanka kalena Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda KMG ah Cabdiraxmaan Ibbi oo isagu ka mid ah kuwa diiday inay ka qayb galaan shirka ayaa ku eedeeyay qolada kale inay jabiyeen axdigii ergada Dawladda KMG ah ku gaartay markii madasha shirka laga soo raray Eldoret , isagoo isla markaana beeniyay sheegashadii Diinaari ku sheegaty inuu haysto aqlabiyadda ergada Dawladda KMG ah oo ka kooban lix Wasiir iyo 15 xildhibaan .
" Waa arrin laga xishooda inaad sheegato wax gacantaada aan ku jirin", ayuu yiri Cabdiraxmaan Ibbi, isagoo raaciyay inuu yahay wakiilka sharci ahaan u hadli kara, marka ay timaado mowqifka ergada Dawladda KMG ah, sidaas awgeedna ay tahay tallaabada qolada kale mid aan hagaagsanayn .
|