|
Dubai,20ka Dishembar 2005
By Banadir.com
Sida ay shalay (19/12/2005) qortay jariidada ku soo baxda afka carabiga ee la yiraahdo Al-Khaliij,waxaa muddo dhow ciidanka dembi-baarista Imaaraadka gacanta ku dhigeen rag soomaali u dhashay oo ku jiray hawlo la xiriira been-abuur baasabooro iyo tas-wiir .
Raggaas oo lagu qabtay magaalada Dubai, waxa magacyadooda lagu soo gaabiyay :(1) Cabdi Shire ,(2) Cali Cabdulwahaab , iyo (3) Cabdulcasiis Axmed. Mid ka mid ragaa wuxuu ka iibiyay sarkaal ka tirsan ciidanka nabadsugida Imaaraadka oo shibil ah baasaboor la been-abuuray oo Soomaali ah, isagoo kaga iibiyay 1,500/= oo dirham, una dhiganta qiyaastii 400/= oo doollarka mareykanka ah.
Dhamaan ragaa soomaalida waxaa laga helay guryahooda tiim-barayaal kala duwan,warqadaha dokumentiska ah ee laga isticmaalo dalka soomaalida iyo baasabooro la been-abuuray oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Imaaraadka ayaa ku soo oogay ragaas dacwad liddi ku ah,Maxkamada Itixaadka ayaana ku riday xukun xabsi laba (2) sano ah iyo in laga masaafuriyo dalkaa, marka ay u dhamaato mudada xabiska.
|