|
Report
prepared by Banadir.com
from Dubai,30th July 2001.
Tan iyo
markii horraantii bishan lagu dhawaaqay natiijada Imtixaanaadka
Dugsiyada Sare ee dalka Imaaraadka Carabta oo ardada Soomaaliyeed
ay aad uga soo dhalaaleen dowrkooda, dadaalkii ay muujiyeenna
laga qiray Imaaraadka gudihiisa,markii ay Idaacadaha iyo Jaraa'idkaba
qoreen in kaalinta labaad ee natiijada Imtixaankaas dhanka
cilmiga ah ay gashay gabadh Soomaaliyeed oo keentay buundo
dhan 99.7%, looguna abaalguday durbadiiba waxbarasho Jaamacadeed
oo lacag la'aan ah iyo abaalgud lacageed, ayaa waxaa si caadadu
tahay soo waajahdo waalidiinta ku dhaqan Imaaraadka dadaal
ay ugu raadinayaan caruurtooda waxbarasho sare .
Hawshaas
iyada ah waa hawl aan fududeyn waayo Jaamacadaha ka furan
Imaaraadka waa lacag , dakhliga waalidiinta Soomaaliyeed ee
ka xoogsada Imaaraadkana ma aha mid sidaas u weyn oo awood
u siinaya inay tacliin sare kaga bixiyaan caruurtooda .
Waxaa
taa u dheer oo xusid mudan maciishada dalka oo ah mid aad
u kulul, iyadoo qiimaha adeegyada guud ee Dawladda ay meelaha
qaarkood toban jibaarmeen oo mucaamaladaha iqaamadaha iyo
hawlaha kale ee dadku u baahan yahay ay noqdeen kuwa aan la
goyn karin,welwelna abuura marka loo baahdo. Waxaa waalidiinta
taa uga sii darran iyadoo aan loo ogoleyn in loo cusbooneysiiyo
Iqaamadda ilmahooda marka ay gaaraan da'da 18 sano sida sharciga
Iqaamadda qabo ,waqtigaas oo ardeyda ay badanaaba ka baxayaan
Dugsiyada Sare , oo markaana ay soo waajaheyso waalidka marxalad
adag oo la xiriirta sidii uu ugu heli lahaa ilmahiisa tacliin
sare iyo Iqaamad.
Hadaba
iyadoo ay jiraan arrimahaas aan soo sheegnay ee culus ee haysta
waalidiinta ayaa hadana u baahan in la is-barbar dhigo dadaalkaa
dheeraadka ah ee ay ardada Soomaaliyeed ka muujiyaan waxbarshadooda,
iyagoo inta badan ka hela imtixaanada buundooyin sar-sare
oo aan la maleeyn karin , una baahan tashjiicin iyo geesinimo
gelin , si ay tacliintooda sare u dhameystaan.
Waxaa
hadaba jira oo naga soo gaaray magaalada Dubai in Madaxweynaha
Dawladda KMG ah Cabdiqassim Salad Xasan markii uu bartamihii
bishan Luuliyo booqday dalkaas inuu ku soo qaaday madaxdii
uu la kulmay oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh
Zaayid Bin Suldaan Ala-Nahyan in la siiyo tixgelin gaar ah
oo dhanka tacliinta sare ah ardada Soomaaliyeed ee ku gudubtay
Imtixaanka buundooyin sare .
Wuxuu
kaloo carabaabay Mudane Cabdi-qassim markuu Jaaliyadda kula
hadlaayay Dubai in dhanka shaqo-qoristana lagu tixgelin doono
mustaqbalka dhow Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka.
Waxay
kaloo Wararka naga soo gaaraya Imaaraadka sheegayaan in durbadiiba
laga bilaabay Xaruunta Safaaradda Soomaalida ee Abu Dhabi
olole lagu diiwaan gelinayo ardada ku gudubtay buundooyinka
sar-sare .
Inkastoo
aan la wada hagab tiri karin baahida waxbarasho ee ardadaas,
oo qaar badan oo ka mid ahna ay ku gudbeen buundooyin iska
dhexdhexaad ah, hadana tallaabadan waa mid wanaagsan oo dhabaha
u fureysa jiilalka soo socda, hadii lagu guuleysto !!!!
|