Web Hosting
Main Page
Latest News
BBC Somali 1800

BBC Somali 1600

Topic of the week
Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room

Djibouti Conference



M.M.Afrah's Books
  

0rder M. M. Afrah's book
THE SOMALI TRAGEDY
THE GANG RAPE OF A NATION. Mr. Afrah is a skillful writer and innovative storyteller. CLICK HERE FOR THE REVIEWS AND HOW TO ORDER THE BOOK.


Search BBC News

 


Previous News

Sep-Oct 2004 News
Aug 2004 News
July 2004 News
June 2004 News
May 2004 News
April 2004 News
Mar. 2004 News
Feb. 2004 News
Jan. 2004 News
Dec. 2003 News
Nov. 2003 News
Oct. 2003 News
Oct. 2003 News
Sep. 2003 News
Aug. 2003 News
July 2003 News
June 2003 News
May 2003 News
April 2003 News
March 2003 News
Feb 2003 News
Jan 2003 News
Dec 2002 News
Nov 2002 News
Oct 2002 News
Sep 2002 News
July 2002 News
May 2002 News
April 2002 News
March 2002 News
Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News


TABABAR LOO FURAY DIPLOOMAASIYIIN SOOMAALIYEED

 

Abu Dhabi,13/10/2011
By Banadir.com

Waxaa tababar socon doono muddo afar bilood ah looga furay Axadii ina soo dhaaftay (09/10/2011) caasimadda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ee magaalada Abu-Dhabi 12 diploomaasi oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Soomaalia, kana kooban 10 rag ah iyo laba haween ah .

Tababarkan oo lagu qaban doono Xaruunta Imaaraadka ee Baarista iyo Daraasaadka Culuunta Istraatiijiga (Emirates Center for Strategic Studies and Research-ECSSR), waxay diploomaasiyiintan cusub ku baran doonaan duruus la xiriira manhajka barashada diploomaasiyadda, fanka hab-raaca loo adeegsado shaqadaas iyo maadooyinka kaaba oo ay ka mid yihiin barshada Culuunta dhaqaalaha iyo Xisaabaadka, qaanuunka & calaaqaadka duwaliga ah,luqadaha ajnabiga ah, iyo qalabka cariga ah ee loo adeegsado gudashada waajibaadka loo xilsaari doona, iyo ku-dhaqanka hab-maamuuska looga baahan yahay qofka diploomaasiga noqon doona.

Munaasabadii xafladii furitaanka tababarkaan waxaa dhanka dawladda Soomaaliyeed uga soo qayb galay wefdi uu hogaaminayay La-Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere), Agaasimaha Mac-Hadka Diploomaasiga Wasaarada Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud iyo Sii-Hayaha Safaaradda Soomaaliya u joogta dalka Imaaraadka Danjire Xuseen Mxamuud Maxamed iyo weliba xubnaha Diploomaasiyiinta ah ee ka tirsan Safaaradda Abu Dhabi .

Dhinaca Dawladda Imaaraadkana waxaa goob-joog ka ahaa munaasabadda furitaanka tababarkan Dr. Jamaal Sanad Al-Suweydi oo ah Agaasimaha Guud ee Xaruunta Imaaraadka ee Baarista iyo Daraasaadka Culuunta Istraatiijiga ah, Dr. Maxamed Axmed Bu-Qafal AL-YAASI,Agaasimaha Waaxda Tababarada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka iyo Mudane Cabdalla Xasan Al-Sahlaawi oo ah Agaasimaha Fulinta hawlaha Markaska Imaaraadka (ECSSR) .

Danjire Ciise Cali Maxamed oo ah La-Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka waxaa uu munaasabadaas ka soo jeediyay khudbad caqiiba leh oo uu ku tirtirsiiyay diploomaasiyiinta cusub inay ka faa'iideystaan fursaddan qaaliga ah oo uu nasiibkoodu siiyay,kaas oo ay ku kasban doonaan inay duruus casri ah ka qaataan markaska Imaaraadka ee (ECSSR) oo ah saldhigii cilmiga , isagoo islmarkaana xusay calaaqaadka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, kana mahad-celiyay minxadan wax ku-oolka ah oo ay Imaaraadka ugu deeqday Dawladda Soomaaliyeed iyo deeqihii isugu jiray cunnada iyo daawada oo ay Imaaraadku hore ugu soo direen shacabka Soomaaliyeed ee abaartu wax yeelaysay bartimihii sanadkan 2011.

Madaxdii ka socotay dalka Imaaraadkana waxay halkaas ka caddeeyeen inay ku soo dhoweynayaan diploomaasiyiinta Soomaaliyeed dalkoodii labaad, ayagoo ugu ballan qaaday wax alle wixii ay uga baahdaan dhalinyaradan dalka Imaaraadka , si tababarkoodu u noqdo mid guuleysta oo naajih ka noqda dhan kasta.

Faahfaahin dheeraad waxaad ka heli kartaan Warkii ay wakaaladda wararka Imaaraadka ka qortay tababarkan Halkan ka akhriso


Hosted and Developed By The Web Technology

Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright © 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 


The Centre for Research & Dialogue (CRD)
-->