|
Sharma El Sheikh, 4ta Maarso 2003,
By Banadir.com
Madaxweynaha Dawladda KMG ah Cabdiqassim Salaad Xasan oo maalintii sabtidii kaga qayb galay magaalada Sharma El Sheikh ee dalka Masar shirkii 15aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda wadamada Carbeed ,ayaa u soo jeediyay hogaamiyayaasha dalalka ku jira Jaamicadda Carabta, inay lama huraan ku tahay oofinta ballanqaad-yadii ay ugu qaadeen umadda Soomaaliyeed kolkii ay kal hore ku kulmeen Caasimada Lubnaan ee Beyruut .
Wuxuu kaloo Cabdiqassim madaxda Carbeed ku tirtirsiiyay inaysan iloobin dhibaatada Soomaalida haysata, oo af iyo adinba ay ku taageeraan shacabka carbeed ee ku nool dhulka Soomaalida, kuna deynin xallinta mushkiladdooda Ururka IGAD iyo Dawladaha safka hore ee xuduuda la leh Soomaalida oo kala ah Jabuuti,Ethiopia iyo Kenya .
Inkastoo ujeedada shirkani ahaa mid la xiriiray mushkiladda Ciraaq iyo sidii carabi ugu dadaali lahayd baajinta dagaalka la filayo inay Mareykanka iyo Ingiriiska ku qaadan dhowaan maamulka ka dhisan magaalada Baqdaad, hadana wuxuu ka soo saaray arrinka Soomaaliya qaraar gaar ah oo la xiriira xoojinta taakuleynta shacabka soomaalida , kaas oo ah inuu dal kasta oo Carbeed xormeeyo xisadahii kaga soo aaday lacagtii lagu qoray markii ay kal hore ku kulmeen Beyruut .
Hadii uu qaraarkan Jaamacadda Carabta noqdo mid fula , waxay Soomaaliya ku heleysaa adduun dhan 45 milyan oo Doolaarka Mareykanka . Waxaa xusid mudan in hore gacanta loogu geliyay Xukuumadda KMG ah lacag dhan $ 20,800,000.00 ( Labaatan Malyan iyo Sideed boqol oo Kun oo Doollar ) oo ahaa qaybihii ku soo hagaagay Boqortooyada Sacuudiga,dalalka Qadar iyo Liibiya .
Waxaa nasiib darro ah inaan wax muuqda oo la taaban karo lagu qaban lacagta intaa la eg ee ka badan 20ka milyan oo Doollar ee gacanta loo geliyay maamulka Dawladda KMG ah , lacagtaas oo wax kale iska daayee, aan xitaa lagu sugin nabadgelyada magaala madaxda Muqdisha oo dilka iyo dhaca uu noqday nolol maalmeedka magaalada . Garoonkii Caalamiga ee magaalada iyo Dekediiba weli wey xiran yihiin. Wasaaridii dawladda oo guryo la degan yahay ahaa , weli waa sidoodii oo waa la haystaa . Cisbitaaladii, jidadkii iyo dugsiyadii warkoodaba daa .
Guul daradaa weyn ee ku timid Dawladda KMG ah oo ay ka dheregsan yihiin dhamaan xubnaha ku jira Jaamicadda Carabta iyo xilligii loo qabtay maamulka Carta oo ah mid soo dhow (ilaa iyo August 2003) iyo waliba shirkii nabadeynta Soomaalida ee Nairobi ka socday oo aan weli waxba ka soo naasa caddeyn ayaa koleyba ku noqon doono caqabado hor taagan Soomaalida marka ay timaado fulinta adduunkan ay Carbta hore ugu ballan qaaday .
|