|
Abu Dhabi (WAM) 16th October 2002
By Banadir.com
Sida ay soo warisay dorraad wakaaladda wararka Imaaraadka (wam), Sheikh Taxnuun Bin Zaayid oo ah inan uu dhalay Madaxweynaha Imaaraadka, madaxna ka ah xafiiska amuuraha u gaarka ah ee Madaxweynaha ( President’s private Department ) ayaa amray in degdeg loo gaarsiiyo kaalmo bani’aadanimo oo isugu jirta qalab iyo raashin kala duwan shacabka tabaaleysan ee Soomaalida .
Waxaana taageeradan oo uu ugu deeqay Madaxweynaha Imaaraadka dadweynaha soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay abaaraha iyo dagaalada is-daba joogga ah munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaanka,lagu qaadi doonaa dhawr dayuuradood oo ta ugu horreysa la filayo inay tagto Muqdisha todobaadka soo socda .
Raashinka loogu deeqay dalka Soomaalida waxaa ka mid ah timirta, caanaha caruurta, quutal-daruuriga sida bariiska , burka ,iwl iyo cunno u xiran kiis-kiis oo loogu tala galay qoysaska , halka uu qalabka yahay mid loogu tala galay in lagu nadiifiyo biyaha la cabbo , si looga hor tago cudurada shubanka ee beryahan danbe ku batay dhulka soomaalida ee ka yimaada cabitaanka biyaha aan nadiifka ahayn .
Hawlaha raridda iyo qeybinta raashinkaa waxaa loo xilsaaray saraakiil ka socoto Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka oo hubin doona meelaha laga geyn doono raashinkan magaalada Muqdisha iyo gobolada dalka oo ay degan yihiin dadka liita ee u baahan mucaawinadan.
Waxay kaloo saraakiishan ka fulin doonaan dalka mashaariic wax ka tara oo kaaba adeegyada guud ee dadweynaha u baahan yahay, sida caafimaadka, waxbarashada iyo is-gaarsiinta . Mashaariicdaas waxaa ka mid ah dayactirka iyo qalabeynta cisbitaalada dalka ka jira, dhisidda dugsiyada ardada iyo masaajidyada iyo ka qodista ceelasha goobaha oomanaha ah ee dadku biyo la,aantu ku haysato iyo waliba taaba gelinta mashruuca anfuridda dadka sooman bisha barakeysan ee Ramadaanka sanadkan.
|