MALEESHIYADA XAAFADAHA MUQDISHO U TAAG WAAYAY MA CIIDAN QARAN BAY U TAAG HELI KARAAN?

By Mohamed Ali (soomaalihanoolaato@yahoo.com)

Waxaa magaalada muqdisho loo diray koox ka soo jeeda
beesha hawiye. Kooxdan oo uu hogaaminayo Muuse Suudi
Yalaxow oo u xuubsiibtay Wasiirka Ganacsiga ayaa
hogaaminaya wafdigan. Muuse Suudi Yalaxow mar la
wareestay wuxuu saxaafada u sheegay in uusan ogolayn
in Ciidamo African ah la keeno wadanka, si beel walba
maleeshiyadeeda hubka looga dhigo oo ay u noqdaan
dhexdhexaad.

Wasiirku wuxuu yiri "Maleeshiyada Xamar waa Ciidanka
Qaranka"? Maqaalkan bal aan ku fiirino in
maleeshiyada xaafadaha muqdisho ka talin waayay in ay
yihiin ciidan u qalma Ciidanka Qaranka iyo in kale?

Dagaaladii sokeeye kadib, Xamar waxay yeelatay kooxo
mooryaan ah oo isku raacday hab beel, kuwaasoo ka
badan waayay in ay ka taliyaan wax ka yar 3 km xaafad
la eg. Waxay sameeyeen arrimo foolxun oo ka soo
horjeeda diinta Islaamka ah iyo dhaqanka
Soomaaliyeedba.

Waxay si khalad ah ku daadiyeen dhiig dad walaalahood
ah oo Islaam ah iyagoo qabiil adeegsanaya, taasoo
sababtay in ay cuqubadii ay gaysteen ay isla markiiba
gurigoodii ka dhex helay, iyagoo mid mid isku laayay,
oo ay dhacday in wiil iyo aabihii ay is dilaan. Waxaa
kaloo dhacday in markii ay Soomaali oo dhan ka toobad
keentay dagaal iyo dhiig sokeeye inuu si xaq daro ah u
daado, in ay meeshii ay ka yimaadeen oo asalkooda ka
soo jeedeen in ay isku laayaan dad wada dhashay oo
horaa loo yiri "XAQ FEERUHUU KA DILAACAA". Inkastoo
aan ka naxnay arrintaas maanta soo cusboonaaday oo qof
kastoo damiir leh uu ka xumaanayo, yaa haddana indhaha
laga qarsan karin in xaqdaro aysan marnaba soconayn,
qofkii sameeyana musiibo la tusaa inta uu nool yahay.

Haddaba maleeshiyadaas amase mooryaantaas ma noqon
karaan Ciidan Qaran? Xataa haddii aysan samayn
arrimahaas, koox hal qabiil ah ma noqon karaan Ciidan
Qaran?

Maxaa Wasiirka ka keenay hadalkaas? Ma laga yaabaa in
riwaayada hotel saxafi iyo MPs ay ilaalinayaan Mr.
Ilqayte iyo kooxdiisa ay Dawladu u noqoto Magan?
Riyadaas waa riyo aan soconayn oo ay ku dhagan yihiin
koox ku naaxay dad miskiin ah xoolahooda oo uu
Wasiirku ugu horeeyo.

Maxaysan u soconayn? Ugu horayn Xubnaha Baarlamaanka
inta badan waxay aaminsan yihiin rabaana in ay
ansixiyaan in Dawlada ay cagodhigato Baydhabo oo ah
meel Strategy ah oo lagu sifeeyn karo Xamar iyo
Nawaaxigeeda oo ay mooryaantu ku caqliyaysteen, fikir
mooryaan ahna meesha laga tir tiro oo dhaqancelis loo
sameeyo.

Ma is waydiisay maxay CARTA markii ay Xamar keeneen ay
arrinta sidaas iyo si ka fiican ugu sameeyn waayeen?
Jawaabtu waa maya, mana awoodaan, mana heshiin karaan,
ileen arrintu fara ka haaday oo waxay ogaadeen in
Mooryaan nin xukumo aysan jirin, oo iyaga laftigooda
ay lafahooda uga baqaan.

Mohamed Ali
Journalist
soomaalihanoolaato@yahoo.com