|
Muqdisho,20/08/2011
By Banadir.com
Waxaa shalay
galab oo Jimco ahayd (19kii August 2011) ku yimid Caasimada
Dalkan Soomaaliya ee Muqdisho wefdi uu hogaaminayo La-Taliyaha
Madaxweynaha dalka Imaaraadka Dr.Sheikh Sultan Bin Khalifa
Al-Nahyaan oo ay wehliso xaaskiisa iyo xubno kale oo ka hawl-gala
Xafiiskiisa, iyadoo ay si diirran ugu soo dhoweeyeen garoonka
dayaaradaha ee magaalada Muqdisho madax sare oo uu hogaaminayay
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Sheikh
Adam, Gudoomiyaha Gobolka Banadir Mohamud Ahmed Nur (Tarzan), Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka,Caafimaadka,
Boosaha iyo Isgaarsiinta iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda
iyo madax kale.
| |

Dr.Sheikh
Sultan Bin Khalifa Al-Nahyaan , Safiir Xuseen M. Maxamed,
Qunsul Abdulkadir Sheikhey Mohamed
|
La-Taliyaha
Madaxweynaha Imaaraadka Dr. Sheikh Suldaan Bin Khalifa oo
ah wiilka Madaxweynaha, ayaa ujeedada booqashadiisu ahayd
inuu u kuur-galo soona arko baaxadda macluusha ka jirta xeryaha
ay ku jiraan dadka ka soo qaxay gobolada ay abaartu haleeshay
ee koonfurta dalka, oo todobaayadii tagay isugu soo ururay
magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxayna isaga iyo Xaaskiisuba soo booqdeen mid ka mid ah xeryaha dadka qaxootiga ah ay ku nool yihiin, isagoo isla markaana soo gaarsiiyay Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho deeq daawo ah oo dhan 1,600 oo ton,deeqdaas oo lagu wareejiyay Wasiirka Caafimaadka ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, looguna talagalay in lagu daryeelo haweenka iyo caruurta.
Wuxuu kaloo Dr. Sheikh Suldaan Bin Khalifa Al-Nahyaan u helay fursad uu kula kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo Ra'iisul Wasaaraha Turkiya Tayyip Erdogan oo isla shalay booqanayay dalka Soomaaliya, isagoo hogaaminayay wefdi aad u ballaaran, iyo waliba Madaxa Golaha wasiirada Soomaaliyeed Cabdi-Weli Maxamed Cali.
Booqashada La-Taliyaha Xafiiska Madaxweynaha Imaaraadka uu ku soo gaaray shalay magaala Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho oo ku dhacday jawi aad u sareeya, waxay ahayd mid ku soo beegantay iyadoo lagu soo gabagabeeyay isla shalay oo jimco ahayd dalka Imaaraadka Xamladda loogu magacdaray "SUQYAAHUM" ee ay soo qabanqaabisay Hay'adda Bisha Cas Imaaraadka, xamladaas oo lagu ururiyay adduun gaaraya 65 million oo dirhamka Imaaraadka, iyadoo wadarta lacagta loogu tabarucay macluusha Soomaaliya todobaadkii tagay dalkan Imaaraadka oo kaliya ay kor u dhaaftay 110 milyan oo dirhamka Imaaraadka ah.
La-Taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka Dr. Sheikh Suldaan Bin Khalifa Al-Nahyaan iyo xaaskiisa markay soo dhameysteen booqashadooda xerada qaxootiga kadib, wuxuu kula kulmay qolka marti-sharafta ee garoonka Dayaarada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubnaha wasiirada Dawladda ka socday, wuuxuuna u ballan qaaday inuu Soomaaliya degdeg ah u soo gaarsiin doono mucaawino kale oo isugu jirta raashin, dawooyin iyo qalabka lagu qodo ceelasha biyaha, si looga haqabtiro dadka Soomaaliyeed baahida ay u qabaan dhanka biyaha, Guddoomiyahana wuu uga mahad-celiyay deeqdaas uu ballan-qaaday La-Taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka.
Waxaa
booqashada La-Taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka ku yimid Muqdisho
ku wehliyay oo la socday Sii-Hayha Safaaradda Soomaalida ku
leedahay caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi Safiir Xuseen
M. Maxamed Saalax iyo Qunsulka Guud Mudane Cabdulqaadir Shiikheey
Maxamed, waxaana garoonka ku soo sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan Sheikh Aadam iyo xubnaha Wasiirada Dawladda
ka socday.
|