|
Madaxweynaha
DKM ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr.Cabdiqasim Salaad Xasan
ayaa manta daboolka ka qaaday in Xarunta SOS ay tahay Hanti
Qaran,cid xaraashi kartana aanay jirin,sidaaina wuxuu ka sheegay
mar uu furayay Xarun cusub oo dib loogu habeeyay Guud ahaan
Maxakamadaha Gobalka Banaadir.
Dr, Cabdiqaasim
Salaad Xasan oo ah masuulka ugu sareeyo DKM waxa uu hadalkiisan
soo beegmay iyadoo maalmihii tagay Jaraaidyadda Muqdisho lagu
qoray in Kaaliye Maxkamadeed uu Go’aamiyay in la xaraasho
Xaruntaasi kadib Shirkad ganacsi ay ku sheegatay xaruntaasi
Hanti, wuxuuna Madaxweynuhu xusay doorkii ay Xaruntaasi ka
soo qaatay u gargarida shacbiga,gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta
Soomaaliyeed,isagoo hoosta ka xariiqay in go’aanka kaaliyaha
Maxkamadeed uu ahaa mid qaldan, sidaasiaawigedna uu farayo
Ha’adaha Garrsoorka in ay baaris ku sameeyaan sababihii dhalisay
arrintaasi.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu mahadnaq usoo jeediyay Hay’adda
Caalamiga ah ee SOS, wuxuuna mas’uuliyiinta Hay’adaasi ugu
baaqay inay howlahooda samafal dib u bilabaan isagoo u balanqaday
in Dowladdu ay gacan buuxda ka siin doonto Gudashada Xilka
ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.
|