|
Wasiirka
Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Soomaaliyeed ee KMG ah Ismaaciil
Maxamuud Hurre (Buba) wuxuu shalay ka sheegay Muqdisho inay
dhowaan Xukuumadda KMG ah ka soo gaartay Dalalka Carabta qaarkood
taageero siyaasadeed iyo dacmi dhaqaale oo dhan 18,000,000/=
oo doollarka mareykanka ah.
Sideed
iyo tobankaas malyan oo loogu talagalay mashaariicda dib-u-dhiska
Wasaaradihii iyo Hay'adihii Dawladda ee burburay iyo sugidda
nabadgelyada, waxaa 15 malyan bixisay Boqortooyada Sacuudiga
, halka Dawladda Qadar ay ka bixisay 3 malyan oo doollar .
Sida laga
warqabo, Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga wuxuu hadda ka hor
ugu meeleeyay mashaariicda dib-u-dhiska Soomaaliyeed adduun
dhan 150 malyan oo Doollar oo uu hadba bixiyo qaybta markii
mashruuc dhamaadaba .
Wuxuu
kaloo Wasiirka ku sheegay hadalkiisa ,oo ay qortay Jariidada
Al-Khaliij maanta 12ka June 2001,in madaxdii Carbeed ee uu
dhowaan la kulmay ay dhamaan u caddeeyeen sida ay u taageersan
yihiin Xukuumadda KMG ah, isagoo isla markaana carabaabay
in Dawladda Muqdisho ay mudnaan gaar ah siineyso inay calaaqaad
wanaagsan la lahaato dalalka deriska ah oo ay Ethiopia ugu
horreyso,taas oo ku dhisan mabda'a ah in dalna uusan faragelin
dal kale arrimo u gaar ah .
Wuxuuna
Buba ula jeedaa arrintan xiisadda ka oogan beryahan goobo
ka tirsan gobolada Koonfureed iyo ciidamada heeganka ah ee
Dawladda KMG ah geysay meelahaas , si loo adkeeyo difaaca
dalka.
Waxay
ugu danbeyntii Jariidada hadalkeeda ku soo gebegebeysay beenin
uu beeniyay Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxman
Nur Maxamed hadal hadda ka hor loo nisbeeyay Cabdilqaasim
Salaad Xasan oo ay qortay isla Al-Khaliij oo la xiriiray Eedeyntiisii
ku wajahneyd Cali Khaliif iyo Xukuumadda uu madaxda ka yahay.
Wuxuu
Cabdiraxmaan ku tilmaamay akhbaarta noocaas oo kale ah inay
yihiin kuwa ka soo horjeeda maslaxada iyo horumarka iyo midnimada
shacabka Soomaaliyeed.
|