|
Masuuliyiin
ka tirsan isbahaysiga SNA ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay
ku sheegeen inuu Xuseen Caydiid ka qaybgalay shirkii Itoobiya
isagoo metelaya beeshiisa balse aan ka socon isbahaysiga SNA.
Warsaxaafadeedkan
waxaa saxiixay 10 masuul oo ka kala tirsan ururada ku midaysan
Isbahaysiga SNA ee uu hogaamiyo Xuseen Caydiid, ayna ka mid
yihiin Maxamad Nuur Caliyow, Guddoomiyaha SDM/SNA, Cabdulaahi
Axmed Xaashi, Guddoomiye kuxigeenka SPM/SNA, Cabdikariim Axmned
Cali, Xoghayaha Guud ee SNA, Prof. Ciise Maxamad Siyaad, Xoghayaha
Arrimaha Dibadda ee SNA, Maxamad Cusmaan Xaydar, Guddoomiye
kuxigeenka SDM/SNA, Maxamad Cumar Dalxa, Xoghayaha Guud ee
SAMO/SNA, Cabdulaahi Cosoble Barre, Lataliyaha Sharciga SNA,
Maxamad Siyaad Naaleeye, Guddoomiyaha GASNA ee SNA iyo masuuliyiin
kale, waxaana lagu xusay in ururada ku midaysan SNA at ka
maqnaayeen shirkii ay Itoobiya ku yeesheen qaar ka mida Hogaamiye
Kooxeedyada Soomaaliyeed, Xuseen Caydiidna uu u metelayey
shirkaas beeshiisa.
Warsaxaafadeedkaas
waxay ururada SNA ku sheegeen in Itoobiya iyo Soomaaliya ay
ka dhaxayso colaad gaamurtay oo soo jirtay qarniyaal sidaas
darteedna aanay Itoobiya marnaba raali ka ahayn in ay Soomaliya
ka dhisanto dowladda iyada ka madaxbanaan.
Masuuliyiinta
Isbahaysiga SNA waxay sidoo kale qoraalkooda ku cadeeyeen
in ay Itoobiya abuurtay kooxo soomaaliyeed oo ay siyaasadeeda
ku fushato hadii uu Isbahaysiga SNA uu ku biiro kooxahaasna
uu lumin doono taageerada uu ka haysto shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbayntii wuxuu warsaxaafadeedkaasi ku baaqay in anaan
Itoobiya lala yeelan wax xiriir siyaasadeed ah.
|