|
Hargeisa, 21st April 2003
By Banadir.com
Shir jaraa’id uu shalay ku qabtay magaalada Hargeisa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayuu gaashaanka ku dhuftay natiijadii doorashada madaxtinimada ee Sabtidii lagu dhawaaqay , taas oo ahayd in Xisbigiisa Kulmiye looga adkaaday tartanka .
Wuxuu Siilaanyo durbadiiba carabka ku dhuftay dhacdo shaki weyn galisay dadweyne badan oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba , taas oo ahayd in guddiga doorashada uu dhawr maalmood dib u dhigay ku dhawaaqista natiijada, taas oo dad badan dib u xusuusisay xeeladihii ay ku dhaqmi jireen dawladihii shibilka ee hore, marka ay dareemaan in xisbiga talada haya doorashada looga hormaro inay iyana dib u dhigaan natiijada dhawr maalmood , si ay wax u kala wareejiyaan una xaqiijiyaan guusha wax kastoo dhaca .
Sida dhabtu tahayna , waxaa la yaab leh, caqliguna diidayaa, in doorashada oo dhacday Isniintii , taariikhduna ahayd 14ka April 2003 , natiijada guud ee doorashadana si sax ah oo aan mugdi ku jirin loo hayay subaxnimada Khamiista sida ay rag xog-ogaal ah oo goobjoog ah soo xaqiijiyeen , maxaa keenay in Guddiga doorashada dib u dhigo ku dhawaaqidda natiijada ilaa iyo galabnimada Sabtida , Waa su’aal madaxa wareerinaysa oo u baahan cid ka jawaabta !
Hadaba iyada oo uu Siilaanyo hadalkiisa ku sheegay in aanu xaqa taageerayaashiisa si sahal ah uga hareyn , ayuu ugu baaqay inay haboon tahay in maamulka Riyaale iska daayo asluub-xumida iyo hunguri weynaanta , shacabkana laga daayo hagardaamada iyo caga-jugleynta . Wuxuuna uga digay cawaaqib xumada uu arinkani ku yeelan karo himilada dadweynaha Somaliland .
Wuxuu kaloo arrinkan albaabka u furaya marxalad la is-lahaa Somaliland ilaa iyo xad waa ka soo gudubtay , kaas oo iminka aad moodo inuu noqday cudur aan marnaba Soomaali ka bogson oo ah qabiil iyo anaa reer hebel ah . Waana arrin culus oo xasaasi ah oo u baahan in laga digtoonaado khatartiisa, mar hadii saddexda bah ee ugu ballaaran dadka meesha dega ay laba ka mid ah soo qabteen maamulka, ta kalena xaqeeda la duudsiiyo iyadoo lagu adeeganayo reer maqaar-saar ah.
Ugu danbeyn,Somaliland waa meel degan oo muujisay horumar dhan walba ah marka la bar-bardhigo dhulka Soomaalida intiisa kale, waxaana haboon in caqligu taliyo , lagana fiirsado wax allaale wixii tallaaba ah ee dumin kara nabadda ka jirta dhulkaa .
|